crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaajigii Baaskiil uga yimid Induniisiya si uu u yimaado Makka iyo Madiina + Sawirro. | HimiloNetwork

Xaajigii Baaskiil uga yimid Induniisiya si uu u yimaado Makka iyo Madiina + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Dad badan oo Muslimiin ladan ah ayaa sannad kasta u baxa gudashada Xajka iyo Cumrada, waxayna ku gaaraan hadba sida ay awoodaan. La-yaabna malahan in baaskiil xattaa lagu yimaado Makka.

Muhammad Fauzan oo sannadkan fogaan dhan 5,000 km usoo jaray si uu usoo gaaro Makka isaga oo ku socda baaskiil ayaana kamid ah. Waxayna ku qaadatay in ka badan 7 bilood iyo bar inuu safarkiisa kusoo gabagaboobo.

Fauzan wuxuu safarkiisa ka bilaabay Magelang, bartamaha Java bishii November 4, 2021. Wuxuu gutay Cumrada toddobaadkii hore markii uu soo gaaray Makka.

“Damacaygu wuxuu yahay inaan xajiyo – oo aan sidoo kale wada booqdo saddex masaajid ee Makka, Madiina iyo Qudus,” ayuu yiri Fauzan oo 28 jir ah.

Xajka kaddib, wuxuu qorsheynayaa inuu safarkiisa usii wato dhankaas iyo Falastiin si uu u tago Masjidka al-Aqsa.

Caadiyan dadka Induniisiyaanka ah waxay ku qaadataa 40 sanno inay sugaan booqashada beydka Alle iyo gudashada Xajka iyo Cumrada marka ay is diiwaangeliyaan. Laakiin, intaas iyo ka yarba, way ku adkeyd inuu sugo Muhammad. Wuxuuna go’aansaday inuu baaskiil uga soo safro Induniisiya kuna yimaado Sucuudiga.

Waa macalin wuxuuna keydka mushaharkiisa ka urursaday inuu sahay ahaan usoo qaato. Ku dhawaad 21,000 oo Induniisiyaan ah ayaa sannadkan kamid noqonaya xujeyda aaday Makka iyo Madiina.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!