crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Waalidiin la yaabay in carruurtooda ay nool yihiin markii dhaqaatiirtu u sheegeen inay ku meydeen caloosha. | HimiloNetwork

Waalidiin la yaabay in carruurtooda ay nool yihiin markii dhaqaatiirtu u sheegeen inay ku meydeen caloosha.

Muqdisho – Waalidiinta dhallaan loo sheegay inuu dhintay wax yar kadib dhalashadiisa ayaa la yaabay inay arkaan isaga oo mar kale nuuxnuuxsanaya goor loo qaaday inay la aaso, marka loo eego booliska Hindiya.
Booliska Hindiya ayaa bilaabay baaritaan markii labada dhaqtar ay si qalad ah cunug wali nool ugu sheegeen inuu dhintay.
Marka loo eego baaritaanka booliska, Varsha  oo shan bilood xaamilo ah ayaa fooli kusoo booday. Waxaa loola cararay Max Healthcare hospital – halkaas oo dhaqtar AP Mehta iyo Vishal Gupta ay Varsha ka dhaliyeen laba cunug oo mataano ah.
Si kastaba, hal cunug wuxuu kusoo meyday caloosha – kan kalana wuxuu ahaa mid ay kusiid danbeyso. Waxayna waalidiinta u sheegeen inay wada dhinteen.
Labada cunug waxaa la dhigay baco xiran kahor inta aan lagu wareejin labadii dhashay.
Ashish wuxuu u baxay banaanka si uu labadiisa aas ugu sameeyo. Hayeeshe, waxaa la yaab ku noqday markii uu arkay bacda ay ku jiraan ilmaha oo dhaqdhaqaaqaysa.
Waxaa fajac ku noqotay in mid kamid ah carruurta uu wali nool yahay markii uu daah rogay.
Wuxuu durba halhaleel ula orday isbitaalka halkaas oo cunuga la tacaalis loogu sameeyey.
Wasiirka Caafimaadka New Delhi ayaa dhaleeceeyey falka isbitaalka wuxuuna ku hanjabay inuu kala laaban doono ruqsadda shaqada.
Isbitaalka Max Healthcare wuxuu shaqada ka ceyriyay labada dhaqtar, waxayse sheegee inaysan tani ka dhigneyn gaboodfal ula kac ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!