crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> USA – Xarun caafimaad oo Islaami ah oo lacag la’aan ku dabiibta bukaannada dan-yarta ah | HimiloNetwork

USA – Xarun caafimaad oo Islaami ah oo lacag la’aan ku dabiibta bukaannada dan-yarta ah

Washington (Himilonews) – Laga dhisay gudaha New Jersey sanadkii 2014, Xarunta Caafimaadka ee Madina Community Clinic hadafkeedu waa ugu yaboohista adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah xubnaha katirsan bulshada Maraykanka.
“Waxaynu diiradda saarnaa bulshada halkaas oo qof kasta uu heli karo adeeg caafimaad oo bilaash ah – u eegis la’aan heerka dhaqaalihiisa,” ayaa lagu qoray barta website-ka Madina Clinic.
Sanadihii tagay, xaruntu waxay bilaash ugu adeegtay in ka badan 300 bukaanno ah.
Madina ma ahan meesha kaliya ee dhaqaatiirta Muslimiin ah ay ku dabiibaan lacag la’aan dadka dan-yarta Maraykanka kula nool.
Bishii January sanadki 2012, koox Muslimiin dhaqaatiir ah ayaa furay xarun caafimaad oo lagu magacaabo Rahma oo lacag la’aan ku daaweysa dadka saboolka ah ee ku nool magaalada New York. Waana tusaale oo kaliya. Waxaa kale oo jira xarumo caafimaad oo dhowr ah kuwaas oo lacag la’aan ku daaweeya dadka dan-yarta ah.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!