crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: Eyga aroor kasta qaada jidkii uu la mari jiray saaxiibkiisa dhintay. | HimiloNetwork

Lakulan: Eyga aroor kasta qaada jidkii uu la mari jiray saaxiibkiisa dhintay.

Brazil (Himilonews) – Xusuuso mahadhada sheekada qiirada leh ee  Hachiko – daacadkii Akita kaas oo 9 sano ku qaatay sugista saaxiibkiis inuu kasoo laabto shaqada – ogaal la’aantiisa inuu u dhintay xanuunka maskaxda kaga dhacay. Sheekadiisa waxaa hadda ku taagan Thor – oo ah Ey ay isku mid yihiin Hachiko – kaas oo qaada jidka isaga iyo saaxiibkiis ay wada mari jireen maalin walba kahor intuusan dhiman.
Dharaar walba, dadka degmada  Caçapava do Sud oo ku taalla gobalka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil waxay marag-kacaan bandhigga laab-nugeylka leh ee xayawaankan. Aroor kasta, Thor wuxuu isku dhigaa jidka isaga oo dib u mara meelihii ay wada socon jireen sanad kahor isaga iyo milkiilihiisa oo 58-jir ku dhintay.
Wuxuu ku joogsadaa dhamaan meelihii uu kula nagaan jiray saaxiibkiis; lana fariistaa asxaabta saaxiibkiisa dhintay kahor intuusan ugu danbeyn kusoo laaban gurigiisa. Taasi waxay noqotay jadwal maalmeedkiisa taniyo 8 sano ee lasoo dhaafay.
Bishii December sanadkii 2015, milkiilaha Thor oo ahaa farshaxane lagu magacaabo Cláudio Cantarelli, wuxuu ku dhintay da’da 58-jirka. Taasina waxay mooral-jab ku noqotay saaxiibkiisa. Xigtada Cantarelli ayaa guddoomay daryeelka Thor, hayeeshe masiin karin mid lamid ah ramashadii iyo baxnaanadii uu ka heli jiray milkiilihiisa geeriyooday.
Jeedaalinta Eygan la nuglaaday aramida, Saionara Freitas oo ah deriska Cláudio Cantarelli ayaa weydiisatay inay la wareegto si ay ugu yaraan uga meyrto lahashada Thor ay ku heyso maqnaanshaha saaxiibkiisa uusan ogeyn inuu dhintay.
“Kolkii horaba waan la socday xaaladdiisa, hayeeshe waxaan warsaday haddii la ii idmi karo xanaaneytiisa,” ayay u sheegtay Globo. “Wuu xanuunsanaa; aadna u murugeysnaa.”
Hayeeshe ku hoos noolaanshaha daryeelka  Saionara, Thor wuxuu bilaabay inuu bogsado kadibna sanad kahor wuxuu bilaabay qaadista jidkii uu la mari jiray saaxiibkiis muddo ku dhow 10 sano. “Aroortii waxaan kacaa xilli hore; aniga oo u diyaariya cuntadiisa; dabadeedna u fura iridda aqalka si uu jadwalka socdaal ee maalinlaha ah usoo qaato,” ayay tiri. “Waana sida inuu kasoo bogsanayo hilowga.”
Mar kasta uu banbaxo, Thor wuxuu helaa mudnaanta dadweynaha. Qof kasta wuu og yahay tiiraanyada heysata. Dadku way soo dhaweystaan; lagalaan sawirro mararka qaar; iyaga oo siiya wixii ay moodaan inuu u baahan karo. Taasina waxay keensatay inuu noqdo mid caan ah,” ayuu yiri Airton Oliveira oo ah tima-jare ay saaxiibo ahaayeen milkiilaha Thor.
Marka uu cabbaar ku sugnaado meelihii uu la joogi jiray saaxiibkiisa, wuxuu kusoo laabtaa daryeelihiisa Saionara Freitas.
“Waxaan sheegi karaa inaan u nuglahay xaggiisa oo aan jeclahay daryeelkiisa, hayeeshe sidoo kale aad baan u walaacsanahay,” ayay tiri. “Waayo waxaan ahay da’; balse waxaan isku dayi doonaa inaan daryeel wcan u fidiyo, haddii Eebe idmo.”

1 2 3

Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!