crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimkii diidanaa Midab-takoorka Koofur Afrika oo geeriyooday | HimiloNetwork

Muslimkii diidanaa Midab-takoorka Koofur Afrika oo geeriyooday

Cape Town (Himilonews) – Ahmed Kathrada, oo geyfane Muslim ah kana soo horjeeday midab-takoorkii ka jiray dalkiisa Koofur Afrika ayaa Arbacadii ku geeriyooday da’da 87 jirka isaga oo ku jira isbitaalka Johannesburg.
“Ahmed Kathrada wuxuu ahaa mid kamid hoggaamiyada; nin lahaa garasho xusid mudan, dhowrsani iyo horusocod,” ayuu yiri Archbishop Desmond Tutu, sida ay soo xigatay BBC-da. “Wuxuu mar u qoray madaxweynaha inuusan gaarsiisneyn heer la guddoonsiiyo abaal-marin nabadeed.”
Naxashka Kathrada waxaa lagu daday calanka xisbiga talada dalka haya. Afada maadxweynihii hore Winnie Madikizela Mandela, oo 80-jir ah ayaa sidoo kale goob-joog ka aheyd xabaasha.
“Waxaan u tiiraanyoonaya si lamid ah markii uu dhintay Madiba (Nelson Mandela),” ayay tiri Winnie. “Marka laxawgu waa isla sidii; qeyb ahaanna waxay galaysaa taariikh mugdi ah dhimashada Kathrada.”
Kathrada wuxuu ka dhashay qoys Muslim ah sanadkii  1929 wuxuuna siyaasadda lug ku yeeshay markii uu jirsaday 11 sano. Isaga iyo Mandela waxaa la dhigay xabsiga. Kathrada waxaa xabsiga laga sii daayay sanadkii 1989 – bilo kadib markii lasii daayay Mandela.
Sanadihii tagay, Kathrada wuxuu qeyb ka noqday dibad-baxyada ay ardayda iyo dadweynaha ku codsadaan helidda wax-barasho lacag la’aan.
Marka loo eego Milton Nkosi-ga BBC-da, Kathrada kaliya lama aheyn saaxiib dhow Nelson Mandela ee wuxuu sidoo kale ahaa geyfane xuquuqda Aadanaha u dooda kaas oo taariikh weyn ku lahaaday dagaalka ka dhanka ahaa kala sooca iyo midab-takoorka.

Ahmed-Kathrada-Nelson-Mandela

Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Qore: Zakariya Xasan Maxamed Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!