crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sucuudiga oo kordhinaya adeeg-dalxiiseedka Madina al-Munawarah. | HimiloNetwork

Sucuudiga oo kordhinaya adeeg-dalxiiseedka Madina al-Munawarah.

Madina (Himilonetwork) – Guddiga Is-bedelka iyo Dalxiiska Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu horumarinayo goobaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla magaalada Madina.
“Madina waa mid kamid ah goobaha muhiimka ah ee socdaalka iyo dalxiiska loogu yimaado gudaha Sucuudiga,” ayuu yiri Khalid bin Hussein Al-Shahrani,  oo ah agaasimaha Guddiga.
“Ilaa hadda waxaan ku taameynaa inaan ballaarinayo adeegyada loo qabto dadka usoo dalxiis tagaya goobaha barakeysan ee magaalada Madina,” ayuu sii raaciyay.
Goobaha la asteeyey inay maraan dib u qurxinta waxaa kamid ah Masaajidda taariikhiga ah, goobaha  Ghazawat,  iyo meelihii ay isku heleen gaaladii Qureysh iyo Muslimiintii uu hoggaaminayay Suubanaha NNKH. 
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa goor Magaalada Madina ay ku guuleysatay Caasimadda Islaamka ee Dhaqanka sannadkii 2013-ka iyo Caasimadda Islaamka ee Dalxiiska sanadkii 2017-ka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!