Sida Hodonkeenu u kaabi karo Saboolkeenna
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 5, 2018
416 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Aadamiga waxa lagu masaalaa Macdanta oo kale oo magaca guud uun u dhaxeeyo, sida: Birta, Maarta, Dahabka iyo kuwa kale. Balse kala sarreeya, kalana qaalisan. Ina aadan waa sidaas oo kale, magaca ‘Dad, Insaan iwm. waa ay wadaagaan, laakinse waxay ku kala sarreeyaan heerarka nolasha.
Qaar ayaa heegada sare ka gurta miraha, halka kuwa kalane ay dhuuni ka dhigtaan dhaadhaca mirahaas oo ay nolashane kaga sugan yihiin gunta hoose ee dabaqadaha aadmiga.
Hodantanimada iyo saboolnimada waa sida fiyoobida iyo xanuunka, oo qofba maalintii eebe ugu deeqo, balse laguma qeexi karo iney yihiin labo marxaladood oo mid walbaahi lama huraan u tahay ruux kasta inuu maro marka laga reebo in yar oo aadamaha kamid ah oo kulansaday labadaas heer waayahooda dunida.
Wey dhici kartaa adigoo sabool ah inaad isla xilligaas tahay hodan, waase marka uu maaddiga kaa maqan yahay hase ahaatee quluubtaada iyo dhammaan suluukiyaadkaadu yihiin kuwa la jaan qaadaya dadka ladan, taas caksigeedna lama dheereysanayo oo waa iska caadi in lagu arko dunida.
Laga yaabee iney durbaba kugu soo dhacdo marka aan joogno farqiga labada dhan u dhaxeeya sida ay ugu kala duwan yihiin nolasha, caafimaad ahaan, dhuuni ahaan iyo muuqaal ahaanba, hayeeshee ka micno ballaaran intaas.
Indheer garadka qaar oo inoo bidhaaminaya sida ay dunida ugu kala fogyihiin hodanka iyo saboolka ayaa qaniga ku tilmaamay majnuun maalku hogaamiyo oo wax allaala wixii uu caqliga iyo laabtaba ka muhdo u abbaara leexasho la’aan, halka saboolka isna ay ku iftiimiyeen inuu yahay qof caqliga, ruuxda iyo laabtaba u adeegsada hanaankii uu ku heli lahaa duunyada ka maqan.
Biya-dhaca qormadeyda haddii aan wadaanta u deysto waa sida hodanku ugu dhimrin karo una caawin karo saboolka, ujeedku waa in aan helnaa isgacan qabad la hubo oo aan kaga maarmi karno garab qabad shisheeye, ama ugu yaraan midkeen inuusan u nafbaxaa gaajo darteed.
Kala xanuun badan sheekooyinka aan maqalnay ee ku saabsan innagoo mitirro yar isku jirna midkeen cimrigiisa in uu u gaabtay cunno la’aan; tiiyooy dhici karto in kan kalane dharag dartii hurdo gama’ ka sii waayo xilligaas.
Mid kamid ah badweynta sheekooyinka dhankaas ku saabsan oo uu habeen iiga sheekeeyay saaxiib ayaa u dhaceysay: Hooyo soomaaliyeed oo caruur agoon ah heysatay oo ku nooleed muqdisho ayaa u geeriyootay gaajo darteed, maaheyn kaligeed ee waxaa ka daba rawaxay caruurtii yaryareed ee agoonta aheyd markii ay waayeen dhuuni ay quutaan, maalmo kaddib oo gurigii ay ku nooleed shanqar laga waayay ayay darisku go’aansadeen iney ka war doonaan, waaba iyada iyo labadii caruurta aheyd oo ay dhabta kuwada heyso oo goob qura kuwada nafbaxay, isweydiin kaddibna waxa cadaatay in iyadu nolol maalmeedka u raadin jirtay hase ahaatee tii eebe ka sokow waxa ay noloshoodii qaaliga aheyd ku waayeen gaajo.
Inkastoo sax ahaanshiyaha sheekada aan dusha wada saaran Karin haddane waxaan ka soo xigtay saaxiib da’a ahaan xagga hore u batay, balse dhanka xaaladda waxa ay kala simantahay sheekooyin badi aan maqalno ee ah xildhibaan gaajo magaaladaan ugu dhintay, xeraw masaajid gaajo ugu naf waayay IWM.
Wey xanuun badantahay marka laguu sheego ama duleelka dhegtaadu uu soo qabto qisooyinkaa murugada xanbaarsan, hase ahaatee waxay ila tahay inaan ka hortagi karno oo mushkiladda ku xallin karno halkeeda inta aysan qaarkeen ku qasbin in dunida ay inagu cidleeyaan.
Waan karnaa, weyna kari karaan qaarkeen in dhacdooyinka nuucaas ah inagu badan inta ay innagu jirto nafta, waase marka faham buuxa aan ka qaadanno sida naloogu xisaabin doono halkii aan ku bixinnay hantideenna, waa inta wax heysatee, maalinta weyn ee lawada simanyahay.
Kala fog, sida galbeedka qaar uga dhaadhacday hodonkoodu inuu madaxa saarto saboolka iyo innagii oo ay diinteennu na fareyso oo badankeen ka war qabin xataa dariskeenna.
Tusaalaha dhawaan baxa ah ee dunida bar raadeeyay waa Daaha Italy oo ku magac dheer Massimo Potura, waxa uu furay maqaayado u gaar ah saboolka oo ay si bilaash ah uga heli karaan cunnooyinka sar-sare, 2015 ayuu mashruucaas hirgiliyay welina waxa uu ku rajo weynyahay inuu sii ballaariyo oo uu gaarsiiyo magaalooyin waaweyn oo Europe ka mid ah sida Paris oo France magaalo madax u ah.
Si maalinla ah waxa u yimaada maqaayad uu duleedka magaalada Milan ee carrigga Talyaaniga ka furay 96 ruux, ka geddisan maqaayadaha lagu liido saboolka oo iyagay gaar u tahay, wey yimaadaan, dalabkooda ayay dhiibtaan si qurux badan ayaana miiska loogu soo saaraa, badi dadkaana waa kuwa hoy la’aanta ah.
Marka galbeedkii qoto dheeridaa uga daadagto kaabidda kuwa nolosha heerka hoose ka joogga, kaalinta kuweenna ladan oo waliba alle u balan qaaday helidda inta ay bixiyaan laba-laabkeeda sidey noqon kartaa.
Waa marag madoonto in loo baahan yahay baraarug dheeli-tiran oo aan keliya aheyn inta ay ishu heyso, balse ka guda ballaaran, dhamaadkana aan ku weyn karno shaqsi soomaali ah oo gelin xataa u qada shilimaadka jeebka inoogu jira.
Qore: Ismail Maxamed Samatar – Tifaftiraha Idaacadda Himilo.
Related
2018-03-05
You must log in to post a comment.