crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Gabadha Mashiinka ku neefsata. | HimiloNetwork

Sheekada Gabadha Mashiinka ku neefsata.

MUQDISHO (HN) — Waxay ku dhib qabtaa qaadashada hawada macaan. Mana u neefsan karto si caadi ah. Muddo 20 sannadood ah ayay xanuunsan tahay. Mashiinka agyaallana waxay ka heshaa ogsijiin ku filan oo ay ku neefsato.

Nafteeda waxba uma qabsan karto sida meyrashada, cunnida raashiinka iyo xattaa jiifka. Hooyadeedna waa qofka ugu muhiimsan nolosheeda oo intaas oo dhan u qabanaysa. Waana Nidar ay nafteeda kula gashay inaysan marnaba ka quusan xaaladda inanteeda.

27 Adaliine waa cunuga labaad ee kala horreynta ilmaha la dhashay. Inta kale waxay u nool yihiin si caadi ah. Iyaduse, taniyo sannadkii 1999 ayay la daala-dhacaysa xanuunka neefta oo qaab hargab iyo qunfac isla socda ah ugu soo bilowday.

Markii ugu horreysay oo ay isbitaalka geyso waxaa loo sheegay in inanteedu ay qabto xanuunka burukiitada oo ay in yar kaddib ka bogsan doonto. Dhowr isbitaallo ah oo xilliyo kala duwan la geeyey waxba kama soo naasa-cadaan. Maalmuhu waxay iskugu beddeleen toddobaadyo – toddobaadyadiina bilo; bilooyinkiina sannado.

Waxaana ay usoo dhamaaday adeegsiga mashiinka idin muuqda si ay ugu neefsato. Laba sano kahor jiradeeda ayuu aabaheed furay hooyadeed oo jeer iyo waagaas dusha u ridatay daryeelka iyo la-kacaa-ku-fidda inanteeda. Hanti wixii ay ka heysay waxay u iibisay daweynteeda oo meesiga lo’da oo ay dhaqdaan kamid yihiin. Dhul aseendo-ka-warqab ah oo tacabka beerashada ku fiican ayay sidoo kale iska iibisay.

Ugu dambeyntiise, kaddib bixinta wixii adduun ay ka lahayd, waxaa loo sheegay in sida qura oo ay inanteeda ku samata-bixin karto ay tahay helidda mashiin ay ku neefsato oo isaga laftigiisu uu qarash badan ku fadhiyay. Laakiin samafayaal ku baraarugay xaaladdooda ayaa usoo iibiyay mashiinka. Aad bayna runtii ugu mahdinaysa cid walba oo gacan ka siisay heliddiisa. Waayo waa naruurada kaliya oo inanteedu kaga maarmi karto isbitaal kale iyo la kulanka dhaqaatiir aanay qarash u heli Karin.

Xattaa mashiinka laftigiisu ma dhib yara. Wuxuu aad u cunaa korontada oo iyadna ku ah caqabad kale oo dheeri ah. Waa muhiim iyo lama huraan hadiyo jeer ay qasab tahay inuu shidnaado si uu neef ku filan u siiyo Adaliine.

Mashiinka la’aantiis saacad ka badan ma joogi karto. Waana qasab hadiyo jeer inay hal dhinac u seexato.

Sidaas darteed, laga bilaabo oogga waaberi ilaa gabbalku ka dumo, shaqooyin tixane maalinlayaal ah ayaa sugaya hooyadeed. Waxay u baxaa beerta si ay uga soo gurato tamaandhada una linto in door ah. Kadibna kusoo laabataa aqalka si ay cunno ugu diyaariso inanteeda oo weliba haddana u baahan in lagu qaloombiyo.

Adaliine waa in maalin walba bannaanka loo soo bixiyaa si jaarka iyo deriskuba u ogaadaan inay nooshahay iyo hooyadeed ay u taagan tahay xanaanadeeda ilaa wedku kala geynayo.

Adaliine samata-baxeedu kaliya ma ahan in waqtigeedu wax ka dhiman yahay. Waa nafhurnimada iyo go’aanka naxariista badan ee hooyo-nimada midda ay kusoo gaartay heerkan oo ay hubaal tahay inay ka bogsan karto haddii loo helo kaalmada ku habboon baxnaanadeeda.

Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!