crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sarkaal shaqadiisa ku waayay tuug – halkii uu ka xiri lahaa – lacagtii loo heystay ka dhiibay! | HimiloNetwork

Sarkaal shaqadiisa ku waayay tuug – halkii uu ka xiri lahaa – lacagtii loo heystay ka dhiibay!

Muqdisho – Haweeney ayaa u bannaan timid inay difaacdo aabaheed oo ah sarkaal boolis kadib markii laga saaray shaqadiisa.
Kelsey Stevens ayaa sheegtay in aabaheed looga wacay suuqa Walmart si uu wax uga qabto nin eedeysnaa.
Shaqaalaha ayaa garba-duub u hayay eedeysanaha ilaa uu uga yimid. Wuxuu sheegay inuu cunay raashiinka maadaama uu gaajaysnaa: laba maalinle uusan dhuunta waxba marsiin, marka uu aabaheed la hadlay, marka loo eego Stevens.
“Ma ahan sida inuu qori kusoo weeraray goobta,” ayay tiri Stevens. “Sarkaalku wuxuu dareemay naxariis: wuuna ku gacan-seyray inuu xiro eedeysanaha.”
Taas bedelkeeda wuxuu jeebkiisa ka siiyay lacagtii ka maqneyd, wuxuuna kahor inta uusan fasixin eedeysanaha siiyay digniin cad.
Maareeyaha suuqa Walmart ayaa dacwad ka gudbiyay sarkaalka, waxaana in yar kadib loo jaray warqadiisa casilaadda.
Booliska ayaa war ay sii daayeen ku sheegay in sarkaalkani uusan fulin dacwadii loo heystay eedeysanaha. Waxaana la weydiinayaa sababtii uusan uga fal-celin dacwadii loo igmaday qaadisteeda.
Hayeeshe, go’aankani wali mayeelan dhamaad farxad leh. Waxaa jira dhaleeceymo laga muujiyay sida falkan naxariista leh oo sarkaalkani ku dhaqaaqay loogu abaal-guday in shaqada looga eryo.
In kale aya baraha bulshada isku weydaarsaday falka naxariista leh ee sarkaalka, waxayna eedeyn dusha uga tuureen waaxda booliska.
Gilbert Rodriguez ayaa soo qoray: “Dib shaqadiisa haloogu soo celiyo sarkaalka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!