Moscow (Himilonetwork) – Burkiyeer ku yaalla caasimadda dalka Ruushka ayaa lagu tilmaamay mid arxanlaawe ah kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal halis ku ah nolosha quraanjo ku dhex jirta caagado ku lingaxan ciddiyaha faraha.
Nail Sunny oo ah burkiyeer shacbiyad ku leh baraha bulshada ayaa la kulmay canbaareyn kaddib markii ay soo dhigeen bartooda – sawir iyo muuqaal muujinaya quraanyo ku dhex jira laastig isku laabmaya oo ku dhagan ciddayaha faraha dumarka.
Balse maysan fileyn in tani soo jiidan doonto indhaha dadka naxariista leh ee jecel daryeelka noolaha.
War qoraal ah oo looga jawaabayo muuqaalka oo kazoo baxay Nail Sunny ayaa lagu yiri in quraanjada ku dhex jirta laastiga ay tahay mid awoodi karta inay ku dhex neefsato – sidoo kalana aan looga gollaheyn in lagu caddibo gudaheeda.
Si haddaba ay u dejiso jawiga kacsan oo falkani ka dhex abuuray baraha bulshada, Nail Sunny ayaa ugu danbeyn soo duubtay muuqaalkii oo dhameystiran kaas oo muujinaya in wax dhibaato ah aysan soo gaarin quraanjadii ku dhex jirtay laastiga.
You must log in to post a comment.