qeybtii labaad;
Ku kala tagsanaanta guud ee qurux sifeynta kasokow, dad badan waxay ku kala beyreen jiraalka waxa fool-xumada la yiraahdo—kol haddii macno guud oo wadareeya aragtida quruxda aan lahayn. Taas oo iyadna dhalisay dood hor leh oo ku saabsan inaysan ba jirin wax lagu magacaabo foolxumo oo liddi ku ah quruxda. Kuwa middani daba ka wadaa waxay u daliishadaan—lumininta ama waayidda macno loo siman yahay oo laga heysto quruxda ama isku raacsanaanta qeexid guud oo ummaduhu u dhigtaan quruxda in lagu macneeyo.
Dood kale ayaa tan ku hor gudban taas oo si indhala’ u sheegaysa kol haddii aysan jirin macno mideeya quruxda, in qofku waxa aan qurux uga dhigneyn; ugu yeeri karo fool-xumo. Waloow tani ay qeyb ahaan dhantaal tahay. Waayo wixii nin la quman ayaa nin kale la qalloocan. Shidanaaba shidan.
Hayeeshe, labadan aragti waxaa si hogatusidnimo ah ugu kala garsooray koox kale oo quruxdaba ku jaan-goysa hadba saha ay ku sugan yihiin waxa la eegayo. Tani ayaa ka dhigan in quruxda lagu sifeeyo xilli gaar ah oo aysan sifo laheyn xilli kasta.
Si cilmi-baarisnimo leh waxaa tani u ayyiday faylasuufkii Hindiyaanka ahaa oo quruxda ku tibaaxay “waxa ku sugan isha wax eegaysa”—oo aysan laheyn macno guud oo maguuraan ah. Waloow sida qofi ula muuqato laf ahaanteedana la ogyahay inaysan laheyn sugnaan oo saha la joogo ay ku halbeeganto.
Waxa quruxda la iskaga waafaqay ayaase ah inay meel kasta marti wax soo dhaweysa tahay. Taas waxay kolay la macno tahay in aragtida qofka ugu horreyn ishiisa ku dhacda ay garsoori karto sifada quruxda.
Waxaa mar kale soo laba-kacleysay su’aal ah; kol haddii quruxdu—waa aragtiyada qaar—leedahay hadimmo, maxaa quruxda qaab-dhismeedka iyo il-qabadnimada ka dhigay waxa ugu weyn oo ay dad badan mudnaanta u siiyaan?! Maxay dabeecadda iyo baxaalli wanaagga—dad badan dhexdooda siiba indha-ka-cabiraha guudka wax ku garsoora—ugu aqoonsan waayeen QURUX?! Maxay dad badan oo dhaha Quruxdu waa Jamaad u arki la’yihiin xubinta dadnimada—maskaxda—kolkay banaanka usoo baxaan oo ay qofnimada ugu qiimeeyaan qolofta sare?! Miyaanay dadkaasu ogayn inay Quruxdu tahay ku-meel-gaaris oo waxa la harayaa Maskaxdu tahay?! Si walba ha noqotee, quruxdu waxay noqotay bar-kuma-taal aanay bulshadu isku si usoo wada beegsan Karin.
waxaa qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
You must log in to post a comment.