crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaamacad ogol in badalkii lacagta ardayda saboolka ah isku diiwaan-geliyaan bariis | HimiloNetwork

Jaamacad ogol in badalkii lacagta ardayda saboolka ah isku diiwaan-geliyaan bariis

Bangkok, Thailand (Himilonews) – Beeraleyda saboolka ah ee ku nool dalka Thailand hadda waxay awoodi doonaan inay carruurta geystaan kuleej kadib markii hal jaamacad oo si gaar ah loo leeyaahay ay aqbashay in beeraleydu carruurtooda jaamacadda uga bixiyaan bariis -badalkii ay bixin lahaayeen lacag caddaan ah.
U hadlaha jaamacadda Rangsit University ayaa sheegay in ardaydu hadda kadib ku bixin karaan dhamaan ama qeyb kamid ah lacagta semistarka bariiska usoo go’a.
Hormuudka jaamacadda, Worachat Churdchomja ayaa sheegay in tallaabadani looga gol leeyahay in sara loogu qaado qiimaha sicirka bariiska oo aad u hooseeya.
Barnaamijkan ayaa loo jideeyey beeraleyda saboolka ah kuwaas oo aan awoodin in carruurtooda ay ka dhiibaan lacagta jaamacadda.
22- jir lagu magacaabo Witsanu Sukmoonsiri, kaas oo iska diiwaan-geliyay bilowga semistarka ayaa sheegay in lacag ahaan uu u keenay bariis beertoda kasoo go’ay.
Kahor barnaamijkan, Sukmoonsiri iyo da’yar lamid ah ayaan awoodi lahayn inay iska diiwaan-geliyaan jaamacadda maadaama aysan heysanin lacag caddaan ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!