crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Pope Fransis – “La islama simi karo Islaamka iyo argagaxisada.” | HimiloNetwork

Pope Fransis – “La islama simi karo Islaamka iyo argagaxisada.”

Nairobi (Himilonetwork) – Isaga oo waraysi siinayay wargeys kasoo baxa dalka Talyaaniga, Pope Fransis wuxuu si adag u diiday wararka Islaamka la xiriirinaya argagaxisada –
wuxuuna ku tilmaamay mid bug ah iyo dhoodhoob marin habaabin ah. ‘
“Dad badan waxaa laga yaabaa inay iska hadaaqaan ereyadaas laakiin marnaba xiriir lama lahan diinta Islaamka argagaxisada,” ayuu ku yiri waraysigiisa. “Taas cagsigeeda, waxay dadka bartaa jaceylka, mas’uuliyadda, nabadda iyo wada noolaanshaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Faallada Pope Fransis ayaa kusoo aadaysa kadib safar uu dib ugu soo laabtay magaalada Vatican-ka.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Pope canbaareeyo isku xiriirinta ereyga argagaxiso iyo diinta Islaamka. Sannadkii 2017-ka ayay ahayd mar uu baaq dheer ku sheegay in Muslimiintu aanay ahayn argagaxiso.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!