MUQDISHO (HN) — Suubanaha NNKH waa naxariis loo soo diray aadanaha ifka ku nool oo dhan.
Maadaama lagu jiro bishii uu dhashay Suubanaha NNKH, ururro kala duwan oo Islaami ah ayaa magaalada Mumbai ka bilaabay ol’ole ay rabaan inay dadka aan Muslimiinta ahayn ku baraan noloshii qiimiga badneyd ee Suubanaha iyo Islaamka si ay uga falceliyaan fikradaha sirgaxan ee laga qaatay diinta.
Prophet for All Campaign wuxuu ka qabsoomi doonaa dugsiyada, masaajidda, goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo meelaha la halmaala.
“Waa inaynu dirnaa farriimaha walaalnimada, nabadda iyo insaaniyadda oo uu hormuud u ahaa macalinkii bashariyadda oo ah Suubanaha NNKH,” Yusuf Abrahani, ayaa u sheegay saxaafadda.
Waxaana feersocon doonaa arrimaha kale ee bulshada iyo deegaanka sida dhowridda biyaha, daryeelka iyo u samafalka danyarta iyo agoonta, shaqaalaha iyo haweenka.
Mumbai waxaa ku yaalla 500 oo masaajid iyo 400 oo madraso ah waxaana ardayda iyo waalidiintooda loogu yeerayaa inay farriimaha Islaamiga ah u qaadaan si dhab ah lana wadaagaan bulshooyinkooda.
You must log in to post a comment.