Nuxurka Shirkii Dhalinyarada Qaran ee sannadkii hore lagu qabtay Muqdisho.
Posted by: Zakariya
in Wararka
April 19, 2018
504 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Shirka dhallinyarada qaranka oo Muqdisho ka dhacay muddo todobaad ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Waxaa ka soo qeybgalay ku dhawaad 300 oo ah dhallinyaro ka kala yimid gobalada dalka oo dhan, waxaa qeyb ka ahaa qurba-joog aan sidaasi u sii badneyn, si ka duwan shirkii sanadkii 2015-kii oo ay u badnaayeen qurba-joog.
Shirkan oo ay ka soo shaqeysay wasaaradda dhaallinyarada iyo ciyaaraha waxaa ka soo qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Marwo Khadiija Diiriye oo ah wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo saraakiil ka socotay QM gaar ahaan xafiiska hey’adaasi ee arrimaha dhallinyarada.
Waxaa xoogga lagu saaray tallooyin ay bixinayaan dhallinyarada isku timid kuna saabsanaa siyaasadda qaran ee dhallinyarada. Qoddobada muhiimka ah ee siyaasadda qaran ku jiray waxay kala yihiin; xoojinta wax-barashada iyo tababarrada xirfadaha, shaqo-abuurka, ka qeyb-galinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada, nabadda iyo xasilinta amniga dalka, caafimaadka iyo tayaynta nolosha, ka qeyb-qaadashada siyaasadda, ilaalinta iyo badbaadinta dhalinyarada, iyo garsoorka iyo cadaaladda.
Siyaasadda horumarinta dhalinyarada Soomaaliya ayaa sidoo kale muujinaysa xuquuqda iyo waajibaadka dhalinyarada. Waxay siyaasadda dhalinyaradu qaranku saadaalinaysaa, ayaa lagu yiri, in fikirka cusub iyo qaab-dhismeed sal balaaran loo baahan doono si loo hubiyo fulinta tabaha iyo wax-qabadyada lagu taliyay muddadii ay wada-tashiyada socdeen taas oo soo jeedinaysa dejinta qorshe howleed qaran oo si faahfaahsan uga jawaabaya: maxaa la qabanayaa?, Yaa qabanaya? Sidee loo qabanayaa iyo goorma ayaa laga qabanayaa?
Bartilmaameedka siyaasadda qaran ee dhalinyarada wuxuu ku socdaa da’da 15-jir ilaa 40-jirka u dhaxaysa, taas oo kusoo baxday talooyin iyo xog ururintii la sameeyey gaar ahaan culimada Soomaaliyeed.
Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada waxaa saameyn ku leh shuruucyo iyo qaraaro caalami ah iyo kuwo qaranka u gaar ah sida; Dastuurka KMG ee dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, Heshiiska Afrika ee Dhalinyarada, Qaraarkii siyaasadda iyo barnaamijyada Dhalinyarada ee Lisbon, Heshiiskii Xuquuqda Carruurta iyo Ujeedooyinka Horumar Waara ee Sustainable Development Goals SDG.
Si loo hir-geliyo hiisiga fog ee siyaasadda qaran ee dhalinyarada, waxaa jira arrimo muhiim ah in marka horaba fiiro gaar ah loo yeesho sida ay u cuuryaamin karaan nolosha jiilka cusub. Faafitaanka cudurrada halista ah sida Dilaaga HIV-AIDS iyo bilaabista ol’olayaal ku aadan la dagaalanka maandooriyaha waxay dhagax dhig u noqon karaan qaadista tallaabta ugu habboon ee lagu gaari karto hiigsiga.
Xakameynta Tahriibta oo iyadna kamid ah mushkiladaha dib ula haraya jiil dhan oo Soomaaliyeed kuwaas oo xoogooda iyo gaaxda xiskooda ku luminaya ban cidlo ah iyo dunida qalaad ayaa iyadna u baahan tabaabul abaabulan.
Marka si guud loogu kuur-gulo siayasadda qaran ee dhalinyarada oo markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 2015-ka, dhalinyarada maanta waxaa ku wajahan dhowr caqabad oo ay qaar la wadaagaan dhalinyarada kale ee Afrika – kuwana ay goonidooda u wajahayaan. Maandooriyaha, burcad-badeedda iyo wixii lamid ah waxay yihiin mushkilado xalkooda looga fadhiyo dhalinyarada cusub ee u caaboon wax-qabadka inay qorshahooda ku darsadaan.
Dad badan waxay siyaasadda qaran u arkaan bilow yeelan kara dhamaad farxad iyo baraare leh haddii sida ugu maangalsan loogu kaba-qaato ka mira-dhalinta qoddobada ku xusan. Hubaasha ah in aan dhammaanteen ogsoonahay in tabar mooyee aan taako la guuri karin, haddana waa in tabarta laftgeeda la tallaabsaneyno lagu hubsadaa dhaqan-gal.
Farriimaha kale ee siyaasadda qaran sanadkan laga diray waa in dhalinyarada ku hana-qaaday: kuna garaadsaday gudaha dalka ay kaalinta ugu badan ku lahaayeen taas oo laf ahaanteeda jawaab u ah madmadowgii laga qabay sida ay sanad kahor ugu yaraayeen tiro ahaan.
Maalinba maalinta ka danbeysa dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa usoo birbiraya ileys ifafaalo iyo ayaan wacan iftiiminaya. Hayeeshe, sida ay iftiinkaas laftigiisa u daba-geli karaan ayaa ku jirta hubaal la’aan. Haddana waxaa cad inay halis walba ugu bareeri karaan si ay u xaqiijiyaan Soomaaliya oo mar labaad dunida qiimo ku yeelata.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir; hiraal86@gmail.com
Related
2018-04-19
You must log in to post a comment.