crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin u dhintay badbaadinta Eygiisa oo tareen uu dulmaray. | HimiloNetwork

Nin u dhintay badbaadinta Eygiisa oo tareen uu dulmaray.

Muqdisho – Nin ayaa noloshiisa u huray badbaadinta eygiisa, hayeeshe ugu danbeyn, labaduba way u dhinteen falka, marka loo eego booliska Florida.
Booliska Jacksonville ayaa sheegay in 61-jirka lagu magacaabo Scott Wulff iyo eygiisa Astrid meydkooda laga helay meel u dhow boosteejada tareenka.
Waxaa dul maray tareenka maalintii Axadda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in eygu kala garan waayay jihada qeylada tareenku kaga timid, wuxuu ku booday marinkiisa. Wulff ayaa ka daba booday eyga si uu uga soo jiido marinka tareenka.
Si kastaba, labaduba waxaa dul maray tareenka.
Markii caawimada ay timid, Wulff iyo eyguba waxay ahaayeen meyd.
Wiilkiisa Jacob ayaa sheegay in aabihiis uu dhintay isaga oo badbaadinaya eygiisa oo uu ahaa samata-bixiye naftiisa kahor mariya badbaadada kuwa kale. Wuxuu naftiisa jeclaa eygiisa.
Wulff ayaa ka tagay laba wiil, gabar iyo ilmo uu awoowe u ahaa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!