Nin ereyo naceyb ah ku qoray gidaar Masjid oo cafis loo fidiyay.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
February 3, 2018
593 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Davis waxaa la qabtay isaga oo ereyo naceyb xanbaarsan ku buufinaya gidaarka Masjidka al-Salaam. Wuxuu taasi ku wajihi lahaa lix sano oo xarig ah haddii uu bixin waayo ganaaxa la dul-dhigay.
Isaga oo sugaya go’aanka garsooraha maxkamadda, Davis wuxuu garwaaqsaday sida uu qaladkiisu u fool-xun yahay, wuxuuna dhanbaal raali-gelin ah u diray Jameecada Masjidka, sida ay soo xigatay New York Times.
Qoraal dheer oo uu kaga cudurdaartay gefkii ka dhacay ayuu kusoo xiray waxaan aad uga xumahay wixii aan idin ku sameeyey.
Iyada oo taasi laga fal-celinayo, xubnaha katirsan Masjidka ayaa la kulmay qareenka Maxkamadda, waxayna u sheegeen inaysan dooneyn in falkani uu noloshiisa cuuryaamiyo.
Sidaas darteed, lacagta ganaaxa oo la dul-dhigay waxaa ka bixiyay Masjidka.
“Waxaan maqalnay inuu ku sugnaa xaalad adag oo dhinaca maaliyadda ah,” ayuu yiri Lousy Nasri. “Marka haddii uusan bixinna, wuxuu galayaa xabsi dheer oo lix sano ah, mana dooneyno inuu noloshiisa ku lumiyo ciqaabtan oo kale.”
“Qofku haddii uu usoo baxo inuu cafis ka bixiyo gefka uu geysto waa muhiim inuu helo gacan u fidisa saamixid,” ayuu sii raaciyay.
Related
2018-02-03
You must log in to post a comment.