crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Koox Muslimiin ah oo Nugulka baahan la gaaraya Cunnooyin. | HimiloNetwork

Koox Muslimiin ah oo Nugulka baahan la gaaraya Cunnooyin.

MUQDISHO (HN) — Faafitaanka xanuunka COVID-19 wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay qoysas badan oo danyar ah oo ku nool Maraykanka.

Balse South Jersey, waxaa ka jira dhaqdhaqaaq samafal ah oo ay horboodayaan koox Muslimiin ah kuwaas oo cunnooyin bisil iyo kaalmo kale la gaaraya kuwa baahan.

“Waxaynu bixinaa bariis, digir iyo qudaar lagu iidaamay,” Saima Bhutta ayaa u sheegtay KYW News Radio.

Bhutta ayaa la shaqeynaysa koox gaaraysa 20 xubnood kana tirsan  Islamic Social Services of South Jersey si ay deeq cunno ah ula gaaraan danyarta iyo kuwa ayaanka liita.

“Badi waa Muslimiin kasoo jeeda Afrika, kuna cusub Maraykanka,” ayay tiri.

Bhutta oo sidoo kale xubin ka ah Muslim Federation of South Jersey, waxay tallaabooyinka ku raadinayaan inay ku farxad-geliyaan naftooda iyo danyarta.

“Xilliga adag oo lagu jiro inaan u istaagto caawinta walaalaha waa wax qiimo badan,” ayay tiri.

Islaamka ayaa meel sare dhigay nafaqada iyo quudinta, wuxuuna kamid dhigay ficillada Eebbe agtiisa loogu dhawaado kuwo ugu waaweyn.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!