crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Maraykanka oo dugsiyada ka doonaya in jadwalkooda ay ku daraan Fasaxyada Ciidda. | HimiloNetwork

Muslimiinta Maraykanka oo dugsiyada ka doonaya in jadwalkooda ay ku daraan Fasaxyada Ciidda.

Washington (Himilonetwork) – Koox Muslimiin ah oo ku sugan Wake, Waqooyiga Carolina ayaa doonaya in la aqoonsado Maalmaha Fasaxyada ah ee Muslimiintu dabaaldegaan laguna daro jadwalka iskuullada si carruurtooda u u helaan aqoonsi lamida kuwa lamidka ah ee dugsiyada la dhigta.
“Way ku adag tahay inay ka baaqdaan iskuulka. Dugsiyada qaar ayaa fasax cudurdaar ah siiya carruurta, laakiin taasi wali ma ahan xalkii loo baahnaa, waxaan dooneynaa in jadwalka dugsiyada naloogu daro maalmaheenna fasaxyada,” ayay tiri  Mariya Shaikh, oo ah hooyo ay carruurteedu dhigtaan dugsiga Wake ee gobalka NC.
Codsiga waxaa marar kala duwan soo dirsaday waalidiinta carruurta Muslimiinta ah kuwaas oo Maalmaha ay fasaxyada jiraan aan in badan niyaddii loo baahnaa kula dabaal-degin ilmahooda.
“Waxaan jeclahay inaan la dabaal-dego qoyskayga; lana ciyaaro asxaabtayda. Inaan labiskayga ku muujiyo inaan ku jiro waqti dabaal-deg iyo fantasiyo ii ah,” ayay tiri Zainab Baloch oo ah ardayad dhigata iskuulka.
Guddiga iskuulka ayaa sheegay inay ka warqabaan aftida cod u qaadista ah oo ay wadaan waalidiinta – oo hadda saxiix dhan 3,700 u gaaray codsigooda. Saraakiisha iskuulka ayaa sheegay inay la dhinac shaqeynayaan Imaamyada si sannadka 2021 ugu yaraan loo suura-geliyo in carruurta Muslimiinta ah ay helaan Maalmaha Fasaxyada sida labada Ciidood.
Bilaha Milaadiga ayaa aalaaba ku saleysan wareegga dhulka; halka midda Hijriga ay ku saleysan tahay dayaxa. Midda Milaadiga waxay ku dhamaataa inta badan 3031. Halka tan Hijriga ahna ay ku idlaato 29-30. Waxaana u dhaxeeya farqiga ah 11 maalmood sannad walba.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!