MUQDISHO (HN) — Muslimiinta adduunweynaha ayaa la murugoonaya dhimashada fannaanaddii hore Irish-ka oo Muslim noqotay sannado kahor iskana dhaaftay fanka.
Sinéad O’Connor oo fankeeda soo bilowday sannadihii 1990 ayaa sannadkii 2018-ka qaadatay diinta Islaamka waxayna la baxday magaca Shuhada’ Davitt. Geerideeda waxay kusoo aaday xilli labo sannadood kahor uu dhintay inankeeda Shane oo 17 jir ahaa.
Malahan walaalo kale oo la dhashay oo maanta u duceynaya oo aan ka ahayn Muslimiinta adduunka. Waxaana ay ahayd geeri aad looga murugooday loogana naxay dunida daafaheeda.
Waxay ku dhimatay da’da 56 jir.
You must log in to post a comment.