crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiin si maalinle ah u quudiya Darbi-jiifta Australia. | HimiloNetwork

Muslimiin si maalinle ah u quudiya Darbi-jiifta Australia.

MUQDISHO (HN) — Koox Muslimiin Australian ah oo la baxay Brother In Need ayaa lix maalin toddobaadkiiba waxay quudiyaan dadka darbi-jiifta ah, si ay bulshada ay la nool yihiin ugu muujiyaan naxariista Islaamka.


Bogga Naadiga aan-faa’iido-doonka aheyn ayaa lagu yiri; “Waxaan qaadaynaa tallaab walba oo suura-gelisa inaan dadka ayaanka liita ku caawino inaysan dareemin in laga tagay.”

Iyaga oo kaashanaya ururrada kale ee samafalka ku howlan, kooxdani waxay awoodi karaan inay danyarta siiyaan lacago ay iskaga bixiyaan kirada guryaha, iyo kabidda dhaqaalaha yaryar ee reeraha.

Ku dhawaad 300 oo qof ayay ku quudiyaan magaalooyinka Queensland iyo New South Wales.

Mashruucan ayaa usoo bilowday sannadkii 2015-ka mar ay isku dayayeen inay bulshada u sharaxaan micnaha xeesha dheer ee diinta Islaamka iyo kaalinta Muslimiintu ku yeelan karaan umadaha ay ku dhex nool yihiin.

Quudinta darbi-jiifta waxaa dhinac socda, daabacadda 20,000 oo nuqul Kitaabka Qur’an ah oo ay hadyad ahaan u bixiyaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!