MUQDISHO (HN) — Dhaqan-gelinta aayadaha deeqsinimada iyo wax-bixinta ku booriya Muslimiinta, Muslimiinta Britain waa safka hore marka ay timaado yabooha iyo kaalmada dadka danyarta ah oo ay la nool yihiin.
Si xilliga qaboobaha looga gaashaamo, Masjidka Bartamaha Cambridge ayaa ku deeqay 8.8 tan oo cunnooyin ah toddobaadkan.
Helidda iskaashiga hey’adda Islamic Relief UK, Masjidka ayaa qeybiyay tiro ballaaran oo nuucyada raashiinka kamid ah sida bariis, baasto iyo wixii la halmaala.
“Waqti baahi muuqata ay jirto, waxaan ku faraxsanahay inaan wax-dheef la gaarno dadka ayaanka liita ee nala nool. Faafitaanka xanuunka Corona wuxuu cuuryaamiyay nolosha qoys badan oo danyar ah; qaar badan waxay la daalaa-dhacayaan helidda gashiin ay ku samata-baxaan,” ayuu yiri Mohamed Ashraf, oo ah Agaasimaha Masjidka.
“Qofkeen laga yaabo inaanu garawsan baaxadda saboolnimada ka taagan Cambridge laakiin waa mas’uuliyadeenna inaan karaankeenna ka geysanno u gargaaridda dadka baahan innaga oo kaashanayna jaallayaasha,” ayuu sii raaciyay.
Muslimiinta Britain ayaa sidaan oo kale sameeya goor walba oo la gaaro xilli qaboobaha.
You must log in to post a comment.