Masjid dadka la’ Nimcada Maqalka u sahlaya inay bartaan Qur’anka.
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka
January 23, 2019
362 Views
MUQDISHO (HN) – Masjid ku yaalla degmada Mataram, ee dalka Indonesia ayaa diyaarinaya tarjumayaal ku xeel-dheer la-hadalka dhagoollada si loogu caawiyo barashada Qur’anka oo ay baahi weyn u qabaan.
Abdullahi oo kamid ah Jamaah Tabligh ayaa yiri; “Waxaan bilownay mashruucan barakada leh waxaana soo kordhinay shan tarjumayaal oo ku xeel-dheer luqad jireedka lagula macaamilo dhagoollada si ay u baraan diinta iyo Qur’anka.”
Casharrada oo laga bixinayo Masjidka weyn ee At-Taqwa Grand Mosque, waxaa lagu raja-weyn yahay in lagu caawiyo dadka la’ nimcada maqalka ee doonaya barashada Qur’anka.
Dhegoollada kamid ah Jamaacada Masjidka ayaa isugu jira xirfadlayaal kala duwan oo qeybaha kala geddisan ee culuumta maadiga soo bartay kuwaas oo haddana aan helin meel lagu bari karo Qur’anka hadda kahor.
Casharrada waxaa la bixiyaa habeen walba oo Jimco ah.
Induniisiya ma ahan dalka qura oo dhegoollada u sahlay inay bartaan Qur’anka. Sannadkii hore waxaan daabacnay in arday katirsan Jaamacadda Malaysia ay soo saareen barnaamij dhegoollada u sahlaya inay ku bartaan Qur’anka.
Related
2019-01-23
You must log in to post a comment.