MUQDISHO (HN) — Haweeney allerjik ku ah looska ayaa sheegtay inay weysay doorasho aan ka ahayn inay wada iibsato dhammaanba baakadaha looska ee loogu tala-galay in la siiyo rakaabka saaran diyaarad ka duushay London kuna sii jeeday Jarmalka – sababtuna waxay ku sheegtay inay haddii la siin lahaa ay nafteedu halis geli lahayd.
Lacag dhan £144 ($184) oo ah laballaabka lacagta tigit-ka ayay ku iibsatay dhammaanba looskii la siin lahaa rakaabka. Haddase waxay weydiisanaysaa shirkadda duullimaadka inay lacagtaas usoo celiso maadaama, sida ay sheegtay weli u baahan yahay isla looskii – iyadana ay lacagteeda rabto.
In kasta oo weli aan la fahmin sababta shaqaalaha diyaaraddu ay ku oggolaadeen codsiga haweeneydan iyo waxa ay beddel ahaan u siiyeen rakaabka kale, haddana haweeneydan ayaa hoosta ka xariiqday inay weysay doorasho kale oo aan ka ahayn inay wada iibsato si ay nafteeda u badbaadsato!
You must log in to post a comment.