crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibka iska diiday inuu xirto maaliyadda lagu soo xardhay astaanta ragga isku hawooda. | HimiloNetwork

Laacibka iska diiday inuu xirto maaliyadda lagu soo xardhay astaanta ragga isku hawooda.

MUQDISHO (HN) — Laacibka Muslimka ah ee qadka dhexe uga cayaara Kooxda Paris Saint-Germain, Idrissa Gueye ayaa la seejiyay kulan kamid ah horyaalka dalkaas oo ay la dheelayeen naadiga Montpellier kadib diidmo uu ka keenay xirashada funaanad lagu soo xardhay midabada qaansa-roobaadka ama jeegaanta oo astaan u ah ragga u hawooda ragga kale ee qowmu-luudka ah.

Gueye ayaa tarabuunka ka daawanayay kulankii kooxdiisu la lahayd Montpellier. Tabbabaraha kooxda ayaa sheegay in laacibkani aanu dhaawac ahaan uga maqneyn kulankii ay soo cayaareen balse uu ku maqnaa arrin qofeed isaga u gaar ah.

Laakiin Gueye ayaa diiday inuu xirto maaliyadda naadiga oo ku xardhan midabada jeegaanta. Mana ahan sannadkan oo qura; xagaagii hore ayuu sidan oo kale isaga diiday inuu safto kulan maaliyaddii ay ku cayaarayeen lagu soo xardhay midabada jeegaanta.

Go’aankiisa ayaa soo jiitay indhaha Muslimiinta caalamka – waxaana la sheegayaa in xattaa uu taageero iyo bogaadin kaga helay madaxweynaha Senegal oo ah dalka uu asal ahaan kasoo jeedo laacibkan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!