MUQDISHO (HN) — Waxay u labistaan sida maalqabeennada. Waxayna ku nool yihiin guryo isku raran ah oo jiingado u badan. Waa sabool ama danyar. Waxayse hodan ka yihiin xagga dharka. Laakiin jeebbabkoodu waa faaruq.
Waxaynu maqli jirnay maahmaahda ah meel siday u taal ayaa loola yaal. Laakiin hadda da’yartani in badan ma aaminsana aragtidaas. Waxayna ku nool yihiin laba duni oo gudaha iyo bannaanka guryahooda kala ah. Qacda hore marka aragto waxaad u qaadanaysa rag dalxiis u yimid halkan ama jilayaal duubaya muuqaal. Laakiin farriin ka xooggan intaas ayay maalinle ula nool yihiin.
La kulan ragga u lebista sida maalqabeennada balse ku hoyda guryaha danyarta.
Dantu ceeb maleh – da’yartanina ma doonayaan in la arko duruufta ay ku nool yihiin. Waxayna karaankooda ku dadaalaan inay dhar soo jiidasho leh oo isku-joog suudad ah u badan ay ku xaragoodaan. Waayo xanuun kuma hayso inay xoolahooda ka lebistaan. Hal mid ayayse xumaan u arkaan. Haddii aad sabool tahay, ma ahan inaad sugto inaad maalin un u lebisatid sida kuwa hodanka. Hadda bilow. La qabso nolosha riyada ah oo aad rabtid inay kuu rumowdo.
Markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida, dagaalyahannadii Afrika ee ka dhinac dagaalamay dowladihii ku adkaaday dagaalka, waxay soo gurya-noqdeen iyaga oo ku labisan dhar heersare ah. Dad badan ayaana taniyo markaas bilaabay inay iska yeelyeelaan sidooda oo kale. Ugu dambeyntiina dhaqankani wuxuu ku baahay dalka dhaca bartamaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.
Dusha sare marka laga eego, waad fahmi kartaa sida faqrigu uu barida dhulka ugu dhiftay laakiin saboolnimada halkan kama ahan mas’alo laga doodo. DRC waa dalka ugu qanisan dhinaca kheyraadka macdanta. Waana mid kamid ah dalalka ugu saboolnimada badan Afrika.
Laakiin ragga aad u jeedaan waxay adduun adag ka bixiyaan dharka, kabaha, moobillada iyo saacaha ugu qaalisan dunida – Mudnaanta koowaad waxaa u leh lebiska iyo shidnaanta. Koontada bangiyada wax keyd lacag ah ugama soo tagan. Waxay u haliilayaan inay mutjamaca ay ku nool yihiin kaga yaabsadaan muuqaalkooda. Waxayna hadiyo jeer qabsadaan hadalheynta gudaha iyo dibadda.
Suudadka qaar oo aad u jeedaan waxaa lagu iibsadaa shan kun oo dollar. Mana iibsadaan dhar laga keenay shiinaha iyo wixii la halmaala. Waxay dalab ka dirsadaan dalalka Yurub sida Talyaaniga iyo Faransiiska. In badan waxay doorashadooda u arkaan talenti ama hibo ay gaar u leeyihiin. Goor hore oo noloshooda ah ayayna bartaan qaabsocodka xaragada iyo daanshoodka. Shardiga qura oo marwalba ay ku xisaabtamaan waa in hal midab iyo suud is leh ay kusoo lebistaan si ay usoo jiitaan indhaha dadweynaha.
Laakiin dhaqankooda mararka qaar waa fursad ay uga biiraan shirkadaha dharka xayaysiiya ee caalamka. Marwalba oo ay usoo banbaxaan jidadka, wax u muuqda taageerayaal la dhacsan balse ah ciyaalka xaafadda ayaa daba orda. Waxaa la yaab leh in raggani aysan ka warwarin inay wax cunaan ama cabaan. Marba haddii ay heystaan dharka ay ku cajibin karaan dadka. Waana marka aad booqato aqallada ay ku nool yihiin kolka aad fahmayso in xisaabta noloshooda aysan kamid ahayn haqabtirka baahiyada aas-aasiga u ah. Waxaa ku jira guryahooda oo dhar, saacado, kabo iyo mobillo ah ayaa boqol jeer mararka qaar ka qaalisan isla aqalka ay ku hoydaan.
Qaar badan oo da’yartan kamid ah waxaa saameeyey nolosha mala-awaalka ah oo ay jilaan dadka caan ah oo ay ku jiraan fanaaniintooda qaar sida Baba Wemba.
In kale iyaga ayaa abuurtay nuuca fashionka ay doonayaan inay ku lebistaan sida da’yarkan oo furka caagaga balaastikada iyo wixii la halmaala ka sameystay boorso, dhar, ookiyaal kabaha, iyo xattaa afsaab ama facemask.
Sidee u aragtaa sheekadan? Nala wadaag aragtidaada.
You must log in to post a comment.