La kulan – Gabadhii ku heestay 102 Luqadood oo kala duwan.
Posted by: Zakariya
in Wararka
March 28, 2018
452 Views
Dubai (Himilonetwork) – Suchetha Satish, oo ah gabar Hindi ah oo ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaan dhawaan Buugga Guinness World Records ku gashay noqoshada gabadhii ugu horreysay oo ku heesta in ka badan 102 luqadood muddo ku dhow 6 saacadood iyo 15 daqiiqo.
Suchetha ayaa go’aanka qaadatay sannad kahor; waxayna gashay falkii ay ku xaqiijin lahayd. Waxay kol hore ku heesi jirtay afafka looga hadlo dalka Hindiya sida Hindi, Malayalam iyo Tamil. Balse aalaaba waxay xiisayn jirtay ku heesidda afafka qalaad. Waxayna awoodday inay ugu danbeyntiii hibadeeda u sheegto dunida oo dhan.
January 25, 2018, gabadhan 12 jiradda ah waxay gudaha Qunsuliyadda Hindiya ee Dubai ka qaadartay 102 heesood oo afafka kala duwan ah.
Qoys ahaan waxay kasoo jeedaa kuwa jecel fanka. Yaraanteedii waxay ku heesi jirtay afafka dalkeeda, hayeeshe markii ay 8 sano jirsatay, waxay jeclaatay afafka qalaad inay ku luuqeyso.
“Afkii qalaad oo ugu horreyn dhagaheyga soo gaara wuxuu ahaa Japan,” ayay tiri. “Waan jeclaaday waxaana doonay inaan ku heeso markayga.”
Waxay markaas kaddib bilowday inay si tartiib ah u barbarato afafka kala duwan sida Arabiga oo looga hadlo dalka ay ku sugan tahay ee UAE. Isbuuc walba waxay baratay inay af cusub ku heesto. Waxayna ku hammisay inay ka qeyb-gasho Buugga lagu keydiyo la yaabka dunida.
Qorshaheedii ugu horreeyey wuxuu ahaa inay jabiso rikoorka u yaalla Dr Kesiraju Srinivas, aka Ghazal Srinivas, kaas oo ku heesay 76 luqadood sannadkii 2008 iyo sannadkii hore December mar uu ku heesay 85 luqadood.
Waxay muddo laba bilood ah ku bixisay barashada ku heesidda 17 luqadood oo dheeraad ku ah tirada rikoorka u dhigan.
Waxay ku qaadatay muddo dhan 6 saac inay ku heeso 102 luqadood. Halka saddex saac oo qura rikoorkii hore u yiilay loogu heesay ku dhawaad 80 luqadood.
Haddii aad jeceshay inaad ogaato luqadaha ay ku heestay gabadhan, waxaa kamid ah; Maithili, Sanskrit, Afrikaans, Albanian, Assamese, Azerbaijani, Badaga, Balochi, Basque, Belarusian, Bengali, Bhojpuri, Bhutanese, Bulgarian, Cantonese, Croatian, Czech, Danish, Dhivehi, Dogri, Dutch, English, Estonian, Finnish, French, Garhwali, Georgian, German, Greek, Guarani, Gujarati, Haryanvi, Hebrew, Hungarian, Irish, Javanese, Kannada, Kashmiri, Kazakh, Khmer, Kinyarwanda, Kokborok, Konkani, Korean, Kyrgyz, Lithuanian, Macedonian, Malagasy, Malay, Maltese, Mandarin, Mongolian, Manipuri, Maori, Marathi, Nepali, Norwegian, Odia, Persian, Polish, Punjabi, Quechua, Rajasthani, Romanian, Russian, Serbian, Sindhi, Sinhalese, Slovak, Slovenian, Somali, Swahili, Swedish, Tagalog, Tajiki, Tamil, Thai, Tibetan, Tulu, Ukrainian, Urdu, Uzbek, Vietnamese, Welsh, Xhosa, Yakut, Yoruba, Zulu, Italian, Japanese, Icelandic, Kurdish, Madurese, Pashto, Latvian, Turkish, Armenian, Spanish, Portugese, Malayalam, Arabic, Hindi.
Related
2018-03-28
You must log in to post a comment.