crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Humaima Malik oo Xijaabka ku fara-adeygaysa. | HimiloNetwork

Humaima Malik oo Xijaabka ku fara-adeygaysa.

MUQDISHO (HN) — Aktaradda Pakistaaniga ah, Humaima Malik ayaa ka soo muuqatay iyada oo xiran xijaabka oo uu la socday qoraal ay Ilaahay ku weydiisanayso inuu nolosheeda inta ka dhiman u fududeeyo xirashadiisa.

Malik ayaa sheegtay inay hadyad ahaan xijaabka uga heshay Noor Bukhari, oo ah xiddig kale oo ay iskala tirsan yihiin Shirkadda aflaamta Pakistaan ee Lollywood taas oo iska dhaaftay jilitaanka filimada si ay dariiqa Ilaahay raaliga uga yahay ugu noqoto.

Sawir ay iskula jireen labadooda oo uu la socday qoraal ay ku qorneyd –“Waxaa jira dad jecel wanaagaada iyaga oo dan kale kaa lahayn, Noorani ayaana kamid ah.” ayay soo dhigtay barteeda Instagram-ka.

Gu’yaalihii ina dhaafay, jilayaal badan ayaa qaadanayay diinta Islaamka – halka in kale ay isaga harayaan aflaamta iyaga oo dib ugu soo laabanaya diintooda si ay Eebbihii abuuray u raali-geliyaan sida Sana Khan oo dhawaan joojisay aflaamta.

Zaira Wasim oo ahayd jilaa da’yar ayaa sidoo kale iskaga hartay jilitaanka aflaamta sannadkii 2019-ka – iyada oo tiri waxaan muddo badan jilyaya nolosha qof kale oo aan ahayn, waxaana jeclaaday inaan Ilaahay usoo laabto.

Sannadkii 2014-ka, soo saarayaaasha caanka ah ee AR Rahman iyo Yuvan Shankar Raja ayaa qaatay diinta Islaamka. Waxaana isla sannadkaas diinta qaatay atariishada Monica oo ahayd jilaa door weyn ku lahayd sameynta filimada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!