crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hey’adda WHO: “Magaalada Madiina waa midda ugu caafimaadka fiican dunida.” | HimiloNetwork

Hey’adda WHO: “Magaalada Madiina waa midda ugu caafimaadka fiican dunida.”

MUQDISHO (HN) — Magaalada Madiina ayaa loo aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bedqabka iyo caafimaadka fiican dunida oo dhan, marka loo eego Hey’adda WHO.

Waxaa ku nool tiro ku dhow 2 milyan oo dad ah, laakiin waa magaaladii ugu horreysay oo loo aqoonsado midda ugu caafimaadka fiican dunida.

WHO waxay sheegtay in magaalada Madiina ay la kulantay dhammaanba shuruudihii lagu xulan kari lahaa magaalo bedqabsan oo leh tayo caafimaad oo la isku haleyn karo.

Muslimiinta aduunka ayaa tallaabadan kusoo dhaweeyey farxad iyo bogaadin.

Madiina oo ah magaalada labaad ee Islaamka, waxay dhacdaa gobalka Xijaaz oo qiyaastii 280 mile waqooyi kaga beegan magaalada barakaysan ee Makka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!