crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney seygeeda isaga furaysa ‘Qubeys la’aan’. | HimiloNetwork

Haweeney seygeeda isaga furaysa ‘Qubeys la’aan’.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya ayay haweeneydii u qabay dalbanaysa furriin 40 maalmood un kaddib guurkooda – iyada oo ka sheeganaysa qubeys-naceybkiisa oo ay tiri bishii wuxuu ka qubeystaa labo maalmood un.

Haweeneydan oo kasoo jeeda Agra, gobalka Uttar Pradesh wuxuu u tagtay xarun tala-bixin siisa lammaanaha isqaba si ay uga warranto xaaladda dhif iyo naadirka ah oo ay seygeeda ku aragtay. Waxay sheegtay in afkiisa ur qarmuun ay kasoo baxdo, uuna xirto dhar uskag ah – qubeysna haba sheegin. Waxaa adag inaad ag istaagto, ayay tiri, iskaba daa inaad sariir la jiifsato e. Sidaas darteed, 40 maalmood un kaddib guurkooda, waxay furanaysa dacwad ka dhan ah seygeeda si looga furo.

Markii seygeeda oo la yiraahdo Rajash wax laga weydiiyo eedeymaha lagu soo oogay. wuu qirtay inuusan qubeysan. Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay inuu bishii labo jeer oo kamid ah ku qubeysto biyo laga keenay webiga Ganges oo Hinduugu u arkaan inuu yahay mid barakaysan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!