MUQDISHO (HN) — Kaddib gu’yaal dhowr ah oo ay ku hanweyneyd inay booqato Guriga Eebbe, haweeney 101 sanno jir ah oo dalka Hindiya u dhalatay ayaa sannadkan suura-gelinaysa riyadeedi aheyd inay xaajiyad noqoto – iyada oo ku sugan Xarameynka.
Haweeneydan oo la yiraahdo Attaar Bibi Hussain Baamar waa xaajiyadda ugu da’da weyn xujeyda ka imaanaysa dalka Hindiya sannadkan.
Baamar waxaa soo dhaweyn gaar ah loogu sameeyey gegida diyaaradaha Prince Mohammad Bin Abdul Aziz ee magaalada Madina.
You must log in to post a comment.