crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daalibul-cilmi: Da’yarkii safar dhulka uga baxay Gini si uu u gaaro Masar. | HimiloNetwork

Daalibul-cilmi: Da’yarkii safar dhulka uga baxay Gini si uu u gaaro Masar.

MUQDISHO (HN) — Waxaa ka go’neyd inuu ku biiro Jaamacadda Al-Azhar oo kamid ah ugu mudan dunida Muslimka. Waana sababta ku qaaday Mamadou Safaiou Barry oo ah arday u dhashay dalka Gini inuu baaskiil uga soo baxo dalkiisa ilaa uu ku yimaado dalka Masar.

Sheekada safarkiisa laga yaabee inaysan ugub ahayn. Waxaase cajiib leh inuu baaskiil celis ah oo horay loo isticmaali jiray uu kusoo galay safarkiisa.

25 jirkan ayaa sitay dhar yar, karbuuno iyo qalab yar oo uu ku sameysto baaskiilka marka uu ka ciladoobo. Da’yarkan ma uusan awoodin inuu diyaarad usoo raaco Masar si uu wax uga barto. Doorasho kale oo aan ka ahayn inuu safarka dhulka ah maro uma furneyn.

Muddo dhan 4 bilood ayuu soo jaray fogaan dhan 2,500 oo meyl isaga oo 7 dal kasoo gudbay si uu Masar usoo gaaro. Wuxuu rabay inuu wax-barasho lacag la’aan ah ka helo Jaamacadda al-Azhar, sida ay kusoo warramayso Voice of America.

“Haddii aad riyo leedahay ka dhabee – Allana talo saaro,” ayuu yiri.

Jaamacadda al-Azhar waa midda ugu faca weyn Masar oo ay kasoo qalindaarteen malaayiin Muslimiin ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!