crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Iskuul caro-geliyay gabdho arday ah iyo waalidiintooda kaddib markii ay musqulaha…… | HimiloNetwork

Iskuul caro-geliyay gabdho arday ah iyo waalidiintooda kaddib markii ay musqulaha……

MUQDISHO (HN) — Iskuul ku yaalla gobalka Bolshoy Kamen ee dalka Ruushka ayaa dhaleeceymo xooggan kala kulmaya ardayda, waalidiinta iyo bulshada kaddib markii la ogaaday in kaamirooyinka CCTV-ga ay ku xireen suuliga ama musqulaha ay adeegsadaan gabdhaha dhigta dusgiga.

Dad badan waxay suuliyada u arkaan halkii ugu dambeeyey ee qofku ku dhowrsan yahay oo uusan ka filan karin fara-gelin. Qof walba wuxuu booqdaa isaga oo ogsoon inay tahay meesha ugu muhiimsan oo uu ku ilaashado karaamadiisa xattaa haddii ay ku dhex taal suuq gudihiisa. Laakiin haddii aad tahay gabar arday ah oo dhigata iskuulka Bolshoy, kuma raaxaysan kartid dhowrsanaantaas, waayo waxaa loogu xiray kaamirooyinka toos ah oo gudbinaya dhaqdhaqaaqooda oo ay la socdaan waaxda ilaalada dugsiga.

Laakiin haddii aad tahay gabar arday ah oo dhigata iskuulka Bolshoy, kuma raaxaysan kartid dhowrsanaantaas, waayo waxaa loogu xiray kaamirooyinka toos ah oo gudbinaya dhaqdhaqaaqooda oo ay la socdaan waaxda ilaalada dugsiga.

In kasta oo maamulka sheegay in afaafka hore ee musqulaha lagu xiray kaamirooyinka, haddana taasi kama horjoogsan gabdho badan iyo waalidiintooda inay muujiyaan cabashadooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!