crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Feeryahanka Jeff Monson oo qaatay Islaamka. | HimiloNetwork

Feeryahanka Jeff Monson oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka iyo legdamaha u dhashay dalka Ruushka, Jeff Monson ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo gudaha caasimadda Moskow ka dhex aqriyay kalmadda tawxiidka ama shahaadada.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada aadna ugu baahay ayuu Moson ku dhawaaqayaa kalmadda tawxiidka.

Feeryahankan miisaanka culus oo ah Ruushiyan Maraykan ah, wuxuu kasoo muuqday tartamo badan oo uu guulo weyn kasoo hooyay. Labo jeer ayuu billadaha ugu weyn tartamadan ku guuleystay. Wuxuuna sumcad fiican ku dhex leeyahay dhammaanba tartamada feerka.

Sannadkii 2013 ayuu usoo wareegay Ruushka isaga oo iska xooray dhalashada dalka Maraykanka oo uu heystay.

Islaamka ayaa ah diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana heysta dad lagu qiyaasay 2 bilyan iyo bar.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!