crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ey dayac awgiis u ekaaday sida Madax-kutiga oo laga helay keyn baraf. | HimiloNetwork

Ey dayac awgiis u ekaaday sida Madax-kutiga oo laga helay keyn baraf.

Muqdisho – Kooxaha xanaanada xayawaanada ayaa ku daba-jooga kuwa ey ay rabaayadaysan jireen nolosha ku silciyay markii ay dayaceen.
Tani waxay kusoo aaday markii qof uu kasoo helay keynta barafka leh ee dhul-weynaha Ruushka. Muuqaalka eyga wuxuu u ekaaday Madax-kutiga.
Noolahan waxaa laga helay isaga oo ku nool waddooyinka Chelyabinsk, dalka Ruushka. Shaqaalaha xarunta daryeelka xayawaanada ayaa sheegay in eygu bilaabay inuu ka cabsado dadka, uuna diiday inuu bannaanka ugu soo baxo.
Waxay rumeysan yihiin inuu jiro da’da 4 sano. Shaqaalaha xarunta gabaadka ee Nash Dom waxay tilmaameen inaysan middan oo kale waligood arkin.
Waxay ugu yeereen magaca Medvebaka oo ah magac u taagan isugeynta labada magac ee eyga iyo madax-kutiga.
Polina Kefer oo kamid ah shaqaalaha wuxuu sheegay in eygu uu ku sugan yahay xaalad adag – oo hadda ay gabaad u fidinayaan.
Waxay baadi-goob ugu jiraan qof ku gaaroobay sida eygan oo kale dib loogu celiyo kalsoonida kala dhaxeysa bani’aadanka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!