crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dulucda Tababbar ku saabsan Tebinta Wanaagsan ee Doorashooyinka. | HimiloNetwork

Dulucda Tababbar ku saabsan Tebinta Wanaagsan ee Doorashooyinka.

MUQDISHO (HN) — Seminaar ujeedkiisu ahaa in la fahmo sida halista looga taxaddaro iyo sida loogu shaqeeyo duni halis ku ah nolosha iyo bedqabka weriyaha Somaaliyeed ayaa lagu qabtay hoteelka Jazeera Palace ee caasimadda Muqdisho.

Tababbarkan oo ay ku deeqday Hey’adda IMS waxaa intii u dhaxaysay 26-29 bisha December loo qabtay bahda Tifaftirayaasha Warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwo dowladda. Waxaana bixinayay Ustaad Abukar Albadri.

Laakiin ka digtoonaanshiyaha halista iyo bedqabka weriyaha oo kaliya ma ahayn hadafkii laga lahaa tababbarkan. Maadaama la gelayo waqti kala-guur ah lana filayo doorasho qaran oo dalka ka dhacda, tifaftirayaasha warbaahinta wuxuu geesta kale siinayay casharro iyo aqoon waaya’aragnimo xanbaarsan oo la xiriirta tebinta habboon ee doorashooyinka.

In kasta oo qaar badan ay u ahayd markii ugu horreysay oo tababbar ceynkan oo kale ah ay ka mid noqdaan, haddana mugga uu la ekaa waxa ku guda-jira macaanida seminaarka iyo dabcan siinta tajaarib ficil ah oo ku saabsan sida looga feejignaado halista loona abuuro jawi aan ku dhisneyn kalsooni-darro ayaa muujinaysay sida tifaftirayaashu ay ugu baahi qabeen in tababbarkan oo kale loo qabto.

Waxaa kale oo uu ahaa mid xanbaarsan farriimo adag oo mudan inuu weriyuhu si joogto ah ugu baraarugsanaado si aysan u lumin kalsoonida iyo amaanada ay u hayaan bulshada Somaaliyeed siiba waqtiyada ugu mudan oo dalku galayo xaalad masiiri sida doorashada dhawaan dhici doonta.

Tebinta wanaagsan ee doorashada oo ahayd sababta ugu weyn ee tifaftirayaasha loogu qabtay tababbarka, waxa uu isugu jiray casharro muuqda, aqoon-is-weydaarsi, iyo hab-u-wada-shaqeyn mala-awaal ah oo lagu suuraynayay sida ugu hagaagsan ee loogu diyaargaroobo tebinta fiican ee doorashooyinka.

Yuusuf Garaad Cumar, madaxii hore ee Laanta Afka Somaaliga ah ee BBC ayaa intii uu socday tababbarkan ku biiray waaya’aragnimadiisa warbaahineed. Wuxuu hoosta ka xariiqay in fiiro gaar ah loo yeesho sugnaanshiyaha wararka ka baxaya warbaahinta iyo in – halkii loo kala dheereyn lahaa degdeg usoo gudbinta wararka – xoogga ugu badan la geliyo hubinta iyo xaqiijinta.

Meelaha kale oo intii uu seminaarku socday tooshka lagu iftiimiyay waxaa kamid ahaa sida ilaaliyo habraaca iyo hannaanka shaqada iyo shaqaalaha warbaahinta.

Ustaad Albadri ayaa tusaalooyin wax-ku-ool ah ku xoojinayay talooyinka la xiriira bedqabka weriyaha, sumacaddiisa iyo mas’uuliyadda ka saaran inuusan dhayalsan amaanada afkiisa ku jirta oo haddii uu si xun u adeegsado wax-yeeli karta noloshiisa iyo tan shacabka.

Gebegebada seminaarka waxaa tifaftirayaasha la guddoonsiiyay shahaadooyin.

Balse dhammaadka seminaarkaas, wuxuu bilow cusub u yahay bahda tifaftirayaasha oo looga fadhiyo inay si ficil aqoontii ay ka kororsadeen tababbarkan ku dabakaraan howlahooda shaqada.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!