crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhulkeenna Maanta iyo Dhir-beerista. | HimiloNetwork
APRIL Mass Tree Planting at Bishan-Ang Mo Kio Park on Nov 28 2015. (Photo: Lim Yaohui)

Dhulkeenna Maanta iyo Dhir-beerista.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dhulku waa saxan laga cuno wixii lagu beerto oogadiisa. Marka aysan wax cunno ah kuugu jirin saxanka, muhiim kuuma ahan inuu ku agyaalo. Hayeeshe marka raashiin aad ka cuneyso waad dhadhansaneysaa: jeclaaneysaa inuu hadiyo jeer kuugu jiro.
Noolaha guudka arlada saaran oo dhan waxaa saxan u ah dhulka oo ay ku nool yihiin kheyraadkiisa. Waana wareegtada hadiyo jeer nooluhu iskugu soo laabanayo oo hab-nololeedka deegaanka gun-dhig ah. Marka dabeecadda deegaanka siday tahay aan loo dhaafin – ama xoog loogu tiirsanaado – iyada oo taas bedelkeeda aysan jirin fal-celin la xiriira daryeelid iyo dhowraarin, dhulka Soomaalida oo dhibane u noqday xaalufka ba’an ee ka jira iyo nabaad-guurka waa tusaalaha koobaad.
Muddo dheer musiibadani waxay ku jirtay aamusnaan. Mana jirin madal looga hadlay ama cid u istaagtay wax-u-qabashadiisa. Canbaareyntu waxay ahayd hubka kaliya ee loo adeegsado kuwa dhirta jara. Qeyb ahaan bulshadu waxay u muuqataa mid laba dhinac uga kala sugan saha deegaanku marayo. Kuwa waxay misaarta u sitaan inay dabar-jiraan dhirta deegaanka: inta kale ee soo hartayna waxay ka marag kacayaan sida geyigu iskugu rogayo ban gabaahiir ah.
Tani ma ahan oo kaliya saadaal. Goor hore qeybo badan oo dalka kamid ah waxaa laga dareemay dhadhanka qaraar oo lagala kulmay waxa ay ka dhigan tahay in lagu noolaado dhulka abaar iyo omos miiran ah.
Dhibta taagani waxay tahay dhulkeenna oo awalba iska ahaa dhul ooma-soore ah oo dabeecad ahaan kulul, waxay falalka aan loogu diir-naxayn baxaalligiisa gaarka ah ay liifadda usii gaabinaysaa jiritaankiisa mustaqbalka. Abaarta kusoo rakaadmata geyiga Soomaalida waxay yeelatay hal-weji oo aan dhamaad lahayn. Waxaa taasi kasii xanuun badan sida kolka abaartu ku dhifato gobollada qaar ee dalka ay ku galaafato nolosha dad iyo duunyo badan.
Halka gurmadka, gargaarka iyo samafallada looga jawaabo abaaraha iyo macluusha ay yihiin kuwa aan dabaadiga ka hara dadka iyo xoolaha nafta ku celin kara, haddana muhiim ma ahan inay taasi xalka qura inoo noqoto. Waxaan hubaa inay jirto mid aan noogu sahlan, balse aan in badan la isku dayin in laga war-doono. Mana mid kale waa dhir-beerista.
Aqoonta la xiriirta keymaha, dhir-beerista iyo wixii la halmaala waxay sanadahan danbe u muuqdaan kuwo isasoo taraya siiba marka dalka ay kusoo kordheen kulliyadaha qaabilsan bixinta culuumta beeraha iyo xanaanada xoolaha.
Hayeeshe caam ahaan bulshadeenna – xittaa aqoon-yahannada dhigta ama bara culuumta beeraha – wali dareen midaysan uma wada jiheynin haddii dalka laga anba-qaadi karo mashruuc dhir beeris oo ugu yaraan sanadle ah.
Qaadista tallaab walba oo lagu suura-gelin karo in dalkani laga badbaadiyo boraanta fog ee uu kasii laalaado, waa muhiim inaysan ku harin baraarujin iyo is bogaadin. Waana lama huraan in mashruuc sanadle ah oo dhir beeris guud ah dalka laga bilaabo si loogu guuleysto suura-gelinta dhul mar labaad ku cagaarta gacmaheenna.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!