crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dadku way rumeysan la’ yihiin inuu 25 jir yahay! +Sawirro. | HimiloNetwork

Dadku way rumeysan la’ yihiin inuu 25 jir yahay! +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — 25 jir ku nool Zhengzhou, dalka Shiinaha ayaa shan daqiiqdo ku caan baxay kaddib kolkii sawirkiisa uu ku baahay baraha bulshada sababta oo ah wuxuu u ekaa qof ka weyn da’diisa dhabta ah.

Mr. Zhu maqabo xanuun asiibay oo sidaas u dhigay. Haddana, marwalba oo la eego wuxuu u ekaadaa 40 jir tiiyoo uu 25 jir yahay. Sawirro laga soo qaaday isaga oo ku labisan jiinis, indha-gashi, iyo kabo – dhexduna u xiran tahay ayaa ku baahay barta Weibo, oo ah twitter-ka Shiinuhu iskula xiriiro. Waxaana uu dood adag ka dhex abuuray bulshadii daawatay. Wuxuu noqday qof muuqiisa lagu kaftamo muddo xiriir ah.

Wuxuuse qirtay inuu dhib ku muto marka uu u haasaawe tagayo hablaha kuwaas oo aalaaba ka diida inuu jiro 25 marka ay weydiiyaan. Dad badan ayaana ku waaniyay inuu dhimo culeyska jirkiisa si uu ugu yaraan ula soo muuqdo da’diisa dhabta ah.

“Waan un cayil waxa ku boobay; haddii aad is caatayso laga yaabee inaad bartaadii kusoo laabato,” ayuu soo qoray mid kamid ah faalle-dhiibtayaasha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!