Muqdisho (Himilonetwork) – Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar ku takhasusay sida uu u shaqeeyo jirka aadanuhu ayuu ku ogaaday in markuu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan Unugyada jirka, taas oo keeneysa inuu jirku iska nadiifiyo iskana saaro Unugyada keeno Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa, Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterol-ka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah jirka.
Iscunidda jirka(Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo Sideed Saacadood xiriir ah isaga oo aan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo maalmo badan, si aysan unugyadii dhintay jaanis ugu helin inay dib usoo noolaadaan.
Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu talinayaa inuu qofku isgaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-Saacadood Labo ilaa Saddex Maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeediyay inuu sidaan qofku sameeyo ugu yaraan hal bil Sanadkiiba.
Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay Japan, waxna ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi-baaristaan Sanadkii 2016-kii ku mudeystay Shahaadada Caalamiga ah ee Nobel Prize-ka ee dhanka Caafimaadka.
Cilmi-Baarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-Sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1437-Sano kahor, oo Tiirarka Islaamka ayayba kamid tahay inuu qofku 30-Maalmood oo xiriir ah ka Soomo Sanad kaste, Nabigeenuna Sallallaahu Calayhi Wasallam wuxuu jideeyay inuu qofku Soomo ka Labo Maalmood Todobaaakiiba (Isniin iyo Khamiis).
Ramadaankaani waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn, waana jaanis uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo Kuleylkeeda. Ramadaankan waa fursad Caafimad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro haya ama kusoo fool-leh.
Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo Raxmaddaada, damb-dhaafkaada, iyo naar-ka-xoreyn.
Walaal adoo mahadsan gaarsii oo lawadaag ascaabtada si ay kaga faaideystaan qormadan.
Qalinkii: Hussain Sabriye
Related
You must log in to post a comment.