Baxaalliga Maroodiga!!
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
July 23, 2015
6,691 Views
Qeybtii 1aad;
Bahal nafleyda dhulka ku nool oo dhan ugu weyn. Wuxuu leeyahay harag adag oo qiro weyn; gacan dheer oo uu wax kasta ku sameysan karo iyo laba ganood oo dheerdheer oo qalka kore ka baxa oo qaali ah. Maroodigu waa laba jaad—mid waaweyn oo Afrikada hodanka ah jooga iyo mid in-door ah ka yar oo Hindiya ku nool; Goso ama Uufanneys.
Maroodiga labka ah waxaa la yiraahdaa Arbe. Halka middiisa dhedigga ahna lagu magacaabo Qalanjo. Intii mar wada socota ee kob wada daaqaysa waxaa loo yaqaan Raxan Maroodi. Maroodiga weyn ee lab oo raxanta horseeda waxaa la yiraahaa Araye.
Gaatin-socodka laafyaha iyo milicsiga quruxda leh oo ay ku tallaabsanayso Maroodiga dhedig ayaa Qalanjo loogu magacaabay. Hal-qabsiga magacnimo ee quruxdaas sifeynaya iyo qaaya-socodka haboon ayaa isaguna qaatay in Qalanjo loogu waqlalo inan waloo sida Maroodiga dheddig u laafyo-dheer una milicsi qurxoon.
“Qalanjo qeybsami wayday—anna qeyrkay ka hari waa” iyo hal-qabsiyo badan oo lamid ah ayaa lagu beer-dulucsadaa gashaantimaha soo hana-qaadaya. Waxayna Marin amaaneed u noqotay hal-abuurradeena inay hablaheena ku sifeystaan.
Xigasho–Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-07-23
You must log in to post a comment.