Ugaarteennii Mee??!!

Qeybtii Labaad;
Ugaadhu, maadaama ay kamid ahayd xoolihii dalka ku dhaqnaa, waxay lahayd qiimaheeda, taas oo maanta aad ka dheehan karto aqoonta dhinacyada badan ee ku qotonta dhaqamadeeda iyo nolosheeda.
Nolosha iyo aqoonta Ugaadha looma sinayne, waa loo kala dhawaa. Waxaan shaki ku jirin in qeyb bulshada kamida dadka kale uga dhawayd, ugana daryeel iyo naxariis badnayd.
Ugaarta waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah;
1. Yeris oo ah kuwa yaryarka ah sida; Sagaarada, Cawsha iyo Deerada.
2. Ishkinka–oo ah kuwa waaweyn sida;  Goodirka.
Xigasho–Duur-joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!