crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ugaarteennii MEE?! AAWAY?! | HimiloNetwork

Ugaarteennii MEE?! AAWAY?!

Qeybtii 1aad;
Maanso Howl-maalmeedka Ugaadhsiga:
  • “Hoobeey Hoobaaligaayeey.
  • Maad booddo gaabnayno.
  • Waad baxsan lahaydee.
  • Wiil soo biyaystiyo,
  • Beydar baa ku beegsaday”.
Ugaadhu, inkasta oo ay maanta dabargo’ ku dhowdahay—intii ka noolaydna la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, hadana waxaa marag madoonta ah in dalkeenu beri hodan ku ahaan jiray. Dabar go’a Ugaadha wuxuu la xiriiraa waxyaabo badan oo ay ugu mudan yihiin taranka xad dhaafka ah ee Aadanaha, magaalooyinka batay, dhulalka la yeeshay ee ninba in seeraystay, xaalufka, nabaad-guurka, dagaallada socday ku dhawaad labaatan sanadood iyo hubka aan tirade lahayn ee gacanta dadwaynaha galay.
Marka aynu sooyaalkeena bulsheed dib u eegno, ma dhicin in wax la iska waydiiyo Ugaadha iyo sida taranteeda iyo tafiirteedaba loo ilaalin lahaa. Wax caadi ah ayey iska noqotay in marka Ugaadh la arko dhulka la haab-haabto si wax loogu tuuro kol ay dhagax ugu yar tahay, hadii aanba qori lagu toogan. Taasina waxay keentay inay araga Aadanaha ka dido oo baxsato. Taariikhdeena hadaynu dib u milicsano, marnaba Ugaadhu ma helin xaqii ay dal iyo dadba ku lahayd.
Xigasho–buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!