Saudi (Himilonetwork) – Magaalada Madina al-Munawarah oo caan ku ah dhowr ceelal oo ka qodan kuwaas oo xiriir la leh socdaalladii uu Suubanaha ku mari jiray waxaa kamid ah Ceelka Uthman ibn Affan oo loo yaqaan Rummat – kaas oo 1400 oo sannadood kadib sidiisii looga cabo.
Hareeraha Ceelka waxaa ku yaalla masjid, waxaana ku beeran geed timireed badan iyo kuwa kale oo muhiim u ah nolosha Insaanka. Si kastaba, maamulka magaalada ayaa isku dayaya inay ballaariyaan goobtan uu Ceelku ka qodan yahay.
Abdullah Kaber, oo ah seynisyahan cilmi-baare ah ayaa u sheegay Saudi Press Agency in Ceelkani uu yahay midka kaliya ee sidii Nabiga NNKH waqtigii uu noolaa biyaha looga cabi jiray wali looga cabo.
Wuxuu intaas kusii daray in si loo sii xejiyo raadka uu Saxaabigan kaga tagay adduunyada 14 qarni kahor ay muhiim tahay in goobtan taariikhdeeda la sugo.
You must log in to post a comment.