crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bolivia – Marka Mas’uulku gudan waayo Mas’uuliyaddiisa. | HimiloNetwork

Bolivia – Marka Mas’uulku gudan waayo Mas’uuliyaddiisa.

La Paz (Himilonetwork) – Inta badan dalalka, waddada kaliya oo shacabku ku ciqaabi karaan siyaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidka xil-gudasho la’aantooda, waa inaysan siinin codkooda doorashada xigta, balse dalka Bolivia waxay leeyihiin hannaan lagu magacaabo ‘cadaaladda bulshada’ ama ‘socil justice’.
Dadka ku nool San Buenaventura, oo ah magaalo yar oo ku taalla waqooyiga dalka Bolivia, ayaa dhawaantan ka faa’iideystay xuquuqdooda dastuuriga ah ee cadaaladda bulshada, iyaga oo maayarka lagu magacaabo Javier Delgado muddo ku xirxiray xarig – si ay u ogeysiiyaan inaysan ku qanacsaneyn adeeggiisa. Sawirrada maayarka oo dhulka fadhiya iyo lugtiisa midig oo ku xiran tiir – halkaas oo dadka degaanka oo caraysan ay ku hareersan yihiin ayaa ku baahay baraha bulshada taniyo dhammaadka bishii hore ee Febraayo.
25-ka bishii Feb, Javier Delgado ayaa lagu waday inuu xariga ka jaro buundo lagu dhisay qarashka dowladda hoose iyo xukuumadda dhexe, laakiin markii uu yimid, wuxuu ogaaday in dadka halkan isugu yimid aysan u joogin soo dhaweyntiisa, balse ay u taagan yihiin inay u dhigaan cashar kale oo qaraar.
U sheegid la’aanta sababta loo ciqaabayo, waxay si wadajir ugu xejiyeen dhulka kadibna waxay lugtiisa midig ku xireen mid kamid ah tiirarka buundada.
“Xittaa ima siinin fursad aan ugu sharraxo sababta ay igu heystaan, balse iskuma dayin iska caabiyo waayo ogaa inay iiga sii darayaan,” ayuu yiri guddoomiye Javier Delgado. “Cabbaar kadibna waxay ii ogolaadeen inaan sharraxo cabashadooda, waxayna markaas kadib iila yimaadeen raali-gelin maadaama si qaldan wax loogu sheegay oo aysan hubsanin.”
Si kastaba, Daniel Salvador, oo kamida dadka degaanka San Buenaventura ayaa u sheegay Radio Fides in maayarka loo ciqaabay oofin la’aanta ballamo uu ka qaaday dadka degmada. Wuxuuna ku maaweelin jiray been, mana siin jirin mudnaanta ay ku leeyihiin.
Tani waa markii saddexaad ee Javier oo xilka ku fadhiya laba sano iyo bar sidaan oo kale loo ciqaabo. Markii ugu horreysay waxaa laga watay agagaarka xafiiskiisa isaga oo soo shaqa-galaya. Markii labaadna waxay kala baxeen xafiiskiisa iyaga oo muddo laba bilood ah heystay.
“Waxaan ahay qofka kaliya ee lagu qaado ciqaabtan oo kale dalka oo dhan,” Delgado ayaa ku cawday. “Magaranayo sababta taasi iigu socoto.”
Sida bulshada kale ee dalka Bolivia, dadka ku nool San Buenaventura waxay isku maamulaan saddex xeerar aas’aasi ah oo kala ah ‘ama qhuilla, ama llulla, ama suwa’ (Caajislow hanoqon, beenlow hanoqon, tuug hanoqon.” Waxaana saddexdan mas’uulkii kusoo dhaca lagu qaadaa xeerka cadaaladda bulshada oo dastuurka dalka laga mid dhigay sannadkii 2009-ka – in kasta oo tani ay kaliya ku kooban tahay danbiyada yaryar sida ku xad-gudubka hantida gaarka loo leeyahay iyo wixii soo raaca.
  
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!