crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ciriiriga Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho. | HimiloNetwork

Ciriiriga Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dhawaqyada sida maalinlaha aad ula nooshahay marka aad kamid tahay dadka adeegsada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka, waxay yihiin kuwo aan aalaaba ka turjumeynin qanacsanaan iyo safar raaxo leh.
Laga bilaabo marka gaarigu kuu istaago ilaa laga gaaro kobta aad ku dageyso, waxaa iska cad inaad la kulmayso ama dhegahaada ay kusoo dhacaan ereyo ay kamid yihiin: isku sikada; halkan waxaa laga rabaa laba boos; salka nuuxiya iyo wixii lamid ah. Hayeeshe baaqaasi inta badan malahan bilow asluubeysan: mana yeesho dhamaad farxadi ku dheehan tahay.
Waxaa jirta oraah tiraahda: haddii aad dooneyso inaad ogaato akhlaaqda umadi leedahay, fiiro gaar ah u yeelo jidadkeeda iyo darawallada gaadiidkooda. Haddii aad dooneyso inaad ogaato heerka uu gaarsiisan yahay ixtiraamka dhexdooda ama aad u baahan tahay inaad kooda dabeecadda fiican ka ogaato midka dabeecadda adag, waxaa kugu filan inaad banaanka ula baxdo ama aad maalin safar la gasho.
Bulshadeenna waxaa aad loogu amaanaa inay leedahay ilbaxnimada u tanaasulka iyo ixtiraamka qofka yari u muujiyo qofka weyn oo ah asluub-wanaag laba-deryaale ah oo hidde-dhaqanka iyo diinteenna suuban aan kala nimid.
Ciriiriga ka jira gaadiidka dadweynaha waa sheekooyinka maalinle loola nool yahay balse aan helin meel lagu qaada-dhigo ama lagu gorfeeyo. Muddo dheer dadka caasimadda ku nool ee adeegsada gaadiidka dadweynaha waxay la nool yihiin qisooyin aad isugu dhow balse aan ku kala fogeyn.
Marka aad adeegsaneyso gaari BL ah, saddex jeer iyo ka badan waa inaad ka fikirtaa ereyga dulqaad kaas oo aadan kaliya naftaada ugu daneynin, balse aad turaal ugu muujinayso qofka huriweyto kusoo raacay gaariga.
Sideedaba, qofka dulqaadka badan waa midka boqorka u ah safarka. Xaaladda lagu raaco gaadiidka dadweynaha waa midda lagu garan karo qofba iyo dabeecaddiisa asalka ah oo uu gurigiisa kala soo tagay.
Halka aan dhammaanteen ogsoonnahay in adeeggyada gaadiidkani dadweynaha u fidiyaan uusan gaarsiisneyn 100%, haddana waa lama huraan in inta ugu fiican adeegyadan ay nagu filnaan karaan. Taasina waxay ku dhalan kartaa isku dhimrinteenna iyo sida aan iskugu fahamno wada-qeybsiga muddad kooban ee inaga wada dhaxeysa inta aan gaariga wada saarannahay.
Runtii marka laga yimaado tacaamulka bulshadeenna, hal su’aal ayaan wali u la’ahay jawaabtii aan uga baahnaa. Marka rakaabku ka cawdo ciriiriga gaadiidka dadweynaha, darawalka iyo daba-ka-fuulkana ay xeeriyaan in salka la isku dhejiyo, miyaan la awoodi karin in musaafir walba uu si raaxo leh ku gaaro danihiisa?!
Mararka qaar waxaan isasiiyaa jawaab qabyo ah taas oo dhinac u xaglinaysa. Mar waxaan iraahdaa: waxaan jirin iska war-qab dhinaca nolol maalmeedka ah oo rakaabku aysan awoodi karin inay u sharaxaan darawallada. Xaqiiqdii, wax walba majoogayaan meeshooda. Waxaa lama huraan inay wax ku kordhayaan: kana dhinmayaan miisaan ahaan culeyska jirkooda. Nolosha muwaadiniinta waxay ku soctaa tartiib-tartiib. Qaar badan marka ay dhaqaale ahaan sare kacaan, waxa kordhaya miisaanka jirkooda. Da’duna sidoo kale waxay ka tahay qeyb.
Taas bedelkeeda, gaadiidka dadweynaha siiba Caasiyada oo markii ay dalka soo galayeen hal nuuc iyo wada cabir kusoo degay oo aan hubo inaan dib-u-habeyn iyo ballaarin muuqata lagu sameynin, waa cajiib sida darawalladeennu uga ashtakoodaan in – 10 sano kahor afartii boos oo afar qof waagaas loo qoondeeyey – maanta isla boosaskaas lagu yiraahdo rakaabka jir ahaan kobcay isku durga ama salka nuuxiya.
Warba waxaad kusoo koobtaa markii mid kamid ah rakaabkii saarnaa gaari aad u buuxsamay oo hal boos ka dhinnaa lagu yiri; salka nuuxi, balse si aftahanimo leh ugu jawaabay: darawalow, weel weyn baa Alle wax lagu weydiistaa ee gaariga ballaarso.
Si kastaba, sida ay hadda dadweynuhu u adeegsadaan gaadiidka ma ahan heer ahaan mid dhulka jiifta: mana ahan mid sidii loo baahnaa u dhaqan-galsan. Hayeeshe, is-bedellada dalka kusoo kordhaya maalinba maalinta kasii danbeysa waxaa hubanti ah in mar aan dheereyn la gaari doono helidda gaadiid aan ciriirigu ahayn mas’alo kusoo dhacda maanka qofka musaafurka ah.
Inta taasi laga helayo, darawallada iyo rakaabka waxaa la gudboon in is-maan-dhaafka ka dhex aloosma uusan u xuubsiiban meel-ka-dhac, aflagaado iyo canbaareyn. Taasina ay dadaal kasta ku bixiyaan si ay u xaqiijiyaan.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com; hiraal114@yahoo.co.uk.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!