MUQDISHO (HN) — Heerka cadaadis iyo takoornimo ee ka jira Faransiiska wuxuu gaaray heer uu saameeyo saxamada carruurta Muslimiinta ah loogu soo guro cuntooyinka xilliyada ay joogaan dugsiyada wax-barashada.
Bixinta cunnooyinka lagu kariyay hilib doofaarka waxay ku kaliftay carruur badan oo Muslimiin iyo Yuhuudi ah inay waayaan doorasho kale oo u bannaan. Waxaana loo sheegay inay baqtiga cunaan ama ka baahnaadaan, sida ay kusoo warrantay Anadolou.
Maamulka ayaa ku andacoonaya inay tallaabtooda uga golleeyihiin dhaqangelinta siyaasadda cilmaaniyadda ee dalka u degsan. Waxaase weli taagan dood adag oo lagu diidayo cadaadiskaas.
Muslimiinta ayaa dalbanaya inay helaan cunnooyin xalaal ah oo ay ku qaadan karaan dugsiyada xilliyada ay joogaan.
Dadaallada socda ayaana u muuqda kuwo looga guuleysanayo kuwa Islaam naceybku madax maray.
2 bilyan dad ka badan oo Muslimiin ah ayaa cunnooyinka xalaasha ah quuta, waxaana soo raaca 500 oo milyan oo aan Muslimiin ahayn kuwaas oo ka caagan cunnooyinka xaaraanta ah.
You must log in to post a comment.