MUQDISHO (HN) — 27 jir ku nool Dongguan, China, wuxuu dhib kala kulmayaa helidda shaqo madaama uu aad ugu eg yahay ilmo in ka badan da’diisa.
Mao Sheng way kugu adag tahay inaad ka rumeysatid da’da uu sheeganayo oo ah 27 jir. Waayo muuqiisa hore marka aad aragtid ayaad aaminaysa inuu ka yar yahay da’da 10-jirka. Halka dad badan ay weji yaraanta iyo da’da oo aan laga dareemin u arkaan nasiib iyo ayaan, in kale sida Moa waxay ku noqotay cabaqad iyo dhibaato uu maalinle ula nool yahay.
Muuqaal beri dhawayd laga soo duubay kaas oo aad ugu baahay barta Tiktok ayuu ninkan ku sheegay da’diisa iyo sida aanu u heli karin shaqo ama cid shaqaaleysiisa. Aabihiis oo qaba xanuunka qalalkana uu ka sugayo kaalmo.
Isaga iyo saaxiibkiisa ay wada socdeen, markii ay warshad ka doonteen, nasiibkiisu ma noqon in la qaato. Laakiin waa saaxiibkiisa midka durba helay shaqada.
Mao wuxuu sheegay in dadku shaki geliyaan sheegadiisa ah inuu jiro 27 sano. Sheekadiisu waxay taabatay qalbiyo badan kuwaas oo ku eedeeyey shirkadaha iyo warshadaha inaysan siinin fursadii uu u qalmay. Nasiib wanaag, markii warkiisu baahay, hadda wuxuu helayaa codsiyo shaqaaleysiin ah oo kaga imaanaya dhowr shirkadood.
Xanuunkiisa ayaa loo badinayaa mid ku saabsan xagga korriinshaha wejiga oo unugyadu ay joojiyeen inay koraan, sidaasna uu ku yeeshay weji ilmood.
You must log in to post a comment.