Xarun Duur-joog oo Dameer u ekeysiisay Farowga.
						
		
	Posted by:  Himilo 
	
	in  La-yaabka
	
		
	 July 29, 2018	
	
854 Views 
	
				
					
					Qaahira (Himilonetwork) – Xarun lagu xanaaneeyo duurjoogta oo ku taalla dalka Masar ayaa wajahaysa dhaleeceymo ku saabsan isku day qiyaano oo ay kula kaceen dalxiisayaal u yimid inay daawadaan duurjoogta kaddib markii ay dameer u ekeysiiyeen dameer farowga.
Mahmoud A. Sarhani, oo soo booqday xarunta ayaa qaaday sawirrada dameer-farow ku jira xerada kaas oo uu aad ula yaabay muuqaalkiisa aan la dheehi karin oo uu la wadaago farowga. Wuxuuna soo dhigay bartiisa facebook halkaas oo ay aad uga sii faaftay. Balse xilliga lagu jiray oo aad u dhedo badnaa awgeed, daliigtimaha madowga ah ee dameerka ku yiilay ayaa sida farowga u muuqan mid sugan taas oo la ogaaday inuusan ahayn mid dhab ah.
Ku dhawaad 10,000 ayaa share-gareysay halka 1500 oo faallooyin ah laga bixiyay. Dadka qaar ayaa aad ula yaabay falkan, qaar ayaase bilaabay inay su’aalo ka keenaan.
Madaxda xerada xanaanada duurjoogta ayaa iska diiday eedeymaha qaar ee gaaray heer lagu tilmaamo in dhammaan farowga jooga goobtooda uusan ahayn midkii saxda ahaa, balse uu la mid yahay kan lasoo kashifay.
Nasiib-darro falkani ma ahan midkii ugu horreeyey ee ka dhaca dunida Carabta. Waxay ahayd sannadkii 2009 markii magaalada Gaza lagu arkay dameer loo ekeysiiyay farowga kaddib markii laba kamid ah ay u dhinteen macluul.
 
 
	
Related
										
					
									 
								2018-07-29
								
								
				 				
			 
		
You must log in to post a comment.