crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Turkigu wuxuu isku ballaarinayaa soohdimadii Khilaafada Islaamka | HimiloNetwork

Turkigu wuxuu isku ballaarinayaa soohdimadii Khilaafada Islaamka

Vienna, Austria (Himilonews) – Turkiga waxaa maanta mar labaad loo tix-geliyaa awood kasoo sara-kacaysa Bariga Dhexe iyo qaaradda Yurub.
Wax ka yar boqol sanadood, Turkigu wuxuu qeyb ballaaran ka maamuli jiray labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya iyaga oo hoggaaminaya Boqortooyadii Cismaaniyiinta. Is-bahaysigii uu hor kacayayna waxay xittaa u dhaadhaceen duleedka Yurub iyaga oo laba jeer gaaray gidaarka Vienna oo ah caasimadda dalka Austria kahor intaan lasoo jebin.
Hadda way soo laabanayaan.
Mahad waxay u celinayaan qaxootiga 40-kii sano ee lasoo dhaafay ku qulqulayay qaaradda Yurub, ku dhawaad nus malyuun Turki ah ayaa ku nool dalka Austria – halkaas oo qaar badan ay degan yihiin gudaha caasimadda Vienna.
Marka lasoo hadal-qaado xadaaradda isku milan ee ka dhaxeysa Yuhuudda iyo Kirishtaanka ee dunida Reer Galbeedka, Vienna waa meelaha ugu horreeya ee maskaxda kusoo dhaca. Hayeeshe, daganayaasha qaar ayaa qaba in magaaladani ay is-badalayso oo ay si ballaaran u saameynayaan Islaamka iyo Muslimiinta.
“Waxay halkan u yimaadeen inay la wareegaan oo ay hantiyaan,” ayuu yiri Harald Fiegel oo ah geyfane naqdiya waxa loogu yeero argagaxisada. “Dabcanna, haddii aad wax-yar ka taqaano Islaamka, halkan ayaad ka fahmi kartaan. Waxay halkan u joogaan inay dunida oo dhan hantiyaan – kaliya ma ahan qaaradda Yurub.”
Fiegel wuxuu falan-qeeya kobaca Muslimiinta ee qaaradda Yurub gaar ahaan Austria.  Wuxuu sheegay in soo-galootiga Muslimiinta Turkida ah aanay ku milmeynin dhaqamada kale.
“Waxa ay isku dayayaan ayaa ah inay inaga na badalaan,” ayuu u sheegay fogaan-aragga CBN News. “Waxay sugayaan heybtooda Islaamnimo iyo tooda Turkinimo.”
Waxaase laga yaabaa inay jiraan gacan ballaaran oo ka danbeysa qorshahan istiraatijiyadeed ee Muslimiinta Turkida ah.
-Himilo caalami ah-
Dowladda Turkiga ayaa hoy u ah xafiiska koox-diimeedyo Muslimiin ah oo lagu magacaabo Diyanet taas oo tababarta imaamyada – sidoo kalana dhista masaajid badan gudaha Turkiga.
Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Diyanet ay leedahay yool iyo hiigsi caalami ah – saameynta Diyanet ay ku yeelaneyso bulshada Turkida ah ee ku nool Yurubna way soo koraysaa.
Gudaha Austria, Diyanet ayaa dhistay urur dhaqameed isku xiran oo labada bulsho kulminaya oo lagu magacaabo ATIB kaas oo si toos ah u hoos taga dowladda Turkiga.
“ATIB waxay halkan ka dhistay masaajid fara badan,” ayuu yiri Christian Zeitiz oo katirsan ururka Vienna Academic. “Masaajid badanna waxaa furaha u haya ATIB; wayna abaabulaan.”
Sharciga qaran ee Austria ayaa jideeya in ururrada dibadda kasocda aanay Islaamka ku dhaqan-gelin Karin gudaha Austria. Balse sida CBN News ay heshay, ATIB ayaa maal-gelisay dhismaha masaajid ku kacaya malaayiin doolarka Maraykanka ah gudaha magaalada Bad Voslau.
Waxay sidoo kale ka danbeysaa qorshaha lagu ballaarinayo masaajid dhowr ah gudaha caasimadda Austria ee Vienna.
“Si kastaba, howlaha ATIB si guud ula socdaan xeerka u dagsan sharciga Islaamka ee laga jideeyey gudaha Austria,” ayuu yiri Zeitiz.
Hayeeshe qaar ku jira saraakiisha Austria ayaa CBN News u sheegay in ATIB ay door togan ciyaarayso.
“Dowladaha hoose ee Austria waxay si fiican oo mid ah ula shaqeeyaan ATIB,” ayuu yiri Andreas Kohl, oo ah af-hayeenkii hore ee golaha shacbiga Austria. “Waana wax sharci ah.”
Balse waxa aan sharciga aheyn ayaa ah xakame-ku-giijinta tirada Muslimiinta Turkida ah ee ku nool qaaradda Yurub taas oo si kulul ay xukuumadda Erdogan u dhaleeceysay. Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay gaar u bixinta tirada Turkida ah ee ku nool dalalka Jarmalka iyo qeybo kamid ah waqooyiga Yurub ‘gabood-fal ka dhan ah bani’aadnimada.’ – isaga oo ku baaqay in la sameeyey goobo gaar ah oo lagu horumariyo bulshada Muslimiinta Turkida ah ee dibad-joogta ku ah dalalkaas.
Siinta sooyaalkii dagaal ee Saliibiga, dalka Austria gaar ahaan caasimaddiisa Vienna waxay dib u qoraysaa sheeko cusub oo badal ka noqnaysa duullaankii Galbeedka ee dunida Muslimka – taas oo guntii ku ebyami doonta nidaam Islaami ah.
Waxaa qoray: Zakariya Hassan Mohamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!