Turkiga iyo Hindiya; lib maka helayaan loolanka Afrika ay ugu jiraan?

Muqdisho (Himilonews) – Kadib qarni iyo dheeraad oo aheyd markii qaaradda madow ee Afrika loo soo galay loolankii lagu kala qeybsan lahaa waaxyaheeda si sandulle iyo addoonsinimo ah, dunida loogu magac-daray midda saddexaad, hadda waxaa loogu jiraa loolan cusub oo ku dhisan kala faa’iideysi jaalenimo ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘mutual interest’.
Gabagabada nidaamkii caqli-gumeysi ee Neo-colonialism – kaas oo reer Galbeedku ku haysteen Afrika, kadib kolkii ay siiyeen madax-bannaanidii magac u yaalka aheyd, wuxuu ku taagan yahay jidkii uu ku idlaan lahaa. Waxaana jidkaasi dib isula rogaya nidaam cusub oo aysan kaliya hormuud ka aheyn dunida Galbeedka, hayeeshe sidoo kale dunida soo kobcaysa dhaqaale ahaan ama si kale marka loo dhigo 15-ka dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida.
Hindiya ayaa noqotay silsiladda taxanaha ah ee dalal dhowr ah oo sanadkan soo booqday Afrika. Ra’iisul-wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa booqasho ku yimid afar dal oo Afrikaan ah kuwaas oo mid kasta oo kamid ah uu la yeeshay waxa dad badan ay ku tilmaameen balan-qaad dhidibadiisu adag yihiin oo iskaashi ah oo labada dal dhex mara.
Modi oo markii ugu horreysay booqashadii kaga soo degay dalka Mozambique, wuxuu dalkaasi la saxiixday heshiisyo dhowr ah oo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya kuwaas oo u muuqday mid dhameystiri kara baahiyaha ay kala qabaan.
Modi wuxuu sheegay in dalkiisu uu ka kaalmeyn doono dalalka Afrika ee uu xiriirka la yeelanayo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dhismaha iyo wixii soo raaca.
Wuxuu sidoo kale soo booqday dalalka Bariga Afrika qaarkood sida Kenya iyo Tanzania kuwaas oo horay ay sidan oo kale u yimaadeen dalal badan oo reer Galbeed, Shiinaha iyo Japan ah, marka laga yimaado UK oo labadan dal xurnimadooda gacanta u galisay sanadihii 1964-kii iyo 1961-dii.
Booqashada Modi ee bariga Afrika ayaa kusoo beegantay bil kahor markii madaxweynaha dalka Turkiga uu yimid geeska Afrika oo uu Soomaaliya ka furay safaaradda ugu weyn ee uu ku yeesho caalamka –kadibna uu u gudbay dalalka Kenya iyo Uganda oo uu ku tagay booqasho horay loo sii shaaciyay.
Af-hayeen u hadlay dowladda Turkiga ayaa sheegay xiriir iskaashi uu Turkigu la yeesho dalalka Bariga Afrika ay wax badan kusoo kordhin doonto gobalka. Wuxuuna tilmaamay in mashaariicda ay Kenya ka fulin doonaan ay noqon doonaan kuwo aad ugu tayo badnaada Shiinaha oo kol hore galangal kusoo galay Kenya – isaga oo ka dhisay ka hir-galiyay mashaariicda dhowr ah sida dhismaha jidadka sare ‘High ways’.
Hindiya ayaa dib safaaraddeeda Soomaaliya uga furatay sanadkii hore – iyada oo madaxweyne Xasan uu warqadaha aqoonsiga danjirnimo ka guddoomay danjiraha Hindiya u fadhin doonta Soomaaliya. Tani waxay dib u soo celisay xiriirkii go’ay ee labada dal ka dhaxeeyey kaas oo rubuc qarni lunsanaa.
Iyada oo hadleysay kahor madasha looga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo, haweeneyda danjiraha uga ah Hindiya dalka Soomaaliya waxay balan-qaaday in dowladeedu ay dalka geeska Afrika ka taageeri doonto dhinacyada tamarta, waxbarashada iyo caafimaadka iyo wixii soo raaca. Balse ilaa hadda tallaabooyin la taaban karo lagama diiwana-gelin dowladda Hindiya sida dalka Turkiga.
Kadib ka dhisidda safaaradda Turkiga ugu weyn adduunka gudaha Soomaaliya, xukuumadda madaxweyne Erdogan wuxuu indhaha caalamka siistay sida uu u rumeyn karo yoolkiisa dhaqaale, diblomaasi iyo siyaasad ee uu ka leeyahay Afrika.
Gudaha Soomaaliya, Hindiya lamid ma ahan Turkiga, kaas oo hir-galiyay mashaariic dhowr ah oo bini’aadnimo ah iyo dhismayaal dhowr ah oo isugu jira jidad, isbitaallo iyo xarumo kale oo dan guud ah – iyo balan-qaadka wadada kusoo jira ee uu ku saxiixay dhismaha 10-kun oo guryo ah oo loo dhiso shacabka Soomaaliyeed.
Taariikh ahaan labada dal mawada yeelan inay gobal kaliya ku baratamaan. Hayeeshe, iyada oo loo eegayo kobaca dhaqaale ee labadan dali adduunka ku yeelanayaan ayaa sababaysa xoojinta dhaqaalahooda iyo iskaashiga ay sameysanayaan.
Labada dal waxay wada leeyihiin sooyaal fac weyn oo ilbaxnimadooda ku aadan. Waxay awood ku leeyihiin gobalka ay dhacaan.
Turkigu waa dalka 8aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida; waxaana sanadkii hore kor u kacay dhaqaalihiisa. Waxaana uu 10-kii sano ee ugu danbeeyey sameeyey horumar xad dhaaf ah oo dhinaca dhaqaalaha ku lug leh. Himilada Turkiga ayaa in, marka la gaaro 2025, daqliga soo gala qofka Turkishka ah uu gaaro 30,000 $; halka ay hadda ka yihiin 10,000 $. Turkigu wuxuu soo saaraa dhamaan wixii agab ah ee dadkiisu adeegsadaan. Wuxuuna ku jiraa sancada baabuurta, hubka iyo diyaaradaha. Turkigu, lamid ma ahan Hindiya, taas oo heysta madaxyada gantaallada ridada dheer ee wax gumaada ee loo yaqaan nugliyeerka.
Hindiya, si lamid ah Turkiga, waa awood dhaqaale oo dunida kusoo socota. Taniyo 1947-kii oo ah markii dhulkii la dhihi jiray bar-qaareedka Aasiya uu xurnimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, Hindiya waxay kusoo jirtay loolan dheer oo ku aadan siday u kobcin laheyd dhaqaalaheeda.
Balse tirada dadkeeda oo aad u badan iyo doorka musuqa oo ku badan awgeed, in ku dhow kala bar bulshada ku nool Hindiya waa sabool ku nool wax yar hal doolar maalintii. Sida ay sheegtay urur ana dowli aheyn oo Hindiya sal-dhig ku lug leh, ku dhawaad 400 oo malyuun oo Hindiyaan ah ayaa la nool faqriga – taas oo ah tiro ka badan inta gaajada ku nool ee qaaradda Afrika joogta.
Hadana, Hindiya waxay sameysataa gaadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo xittaa diyaarado, taangiyo iyo wixii soo raaca oo hubka ku saabsan.
Hayeeshe, in labadan dal ay ku kulmaan qaaradda Afrika, waa loolan adag oo aanay fududeyn in saadaaliyo nuuca natiijo ee uu yeelan doono, marka loo eego baratanka jira.
Labadan dal, waxaa Afrika kaga soo horreeyey sida Faransiiska, Japan, Maraykanka iyo Shiinaha kuwaas oo sidoo kale, dhinac kaga jira gobalka istiraatijiyadda leh ee geeska Afrika.
Shiinaha ayaa dhismayaal badan sida dhabbe-bireed ku xira Itoobiya, dekado, gegi diyaaradeedyo iyo kuwa kale ka hir-galiyay dalka yar ee Jabuuti oo sidoo kale sal-dhig weyn uu ku leeyahay dalka Maraykanka – taas oo ah tallaab daba socta heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal.
Horayna Maraynkanka ayaa Afrika ku qabsaday awood dhaqaale – halkaas oo lacagtiisa Doolarka ay kaalin kaga jirto ganacsiga Afrika. Balse Shiinaha oo raba inuu saameyntiisa xoojiyo ayaa dardar-galinaya wax-qabadkiisa.
Labadan dal ee Turkiga iyo Hindiyana waxay rabaan inay bar-jabiyaan hanqal-taagga dalalka ugu tunka weyn dhaqaale ahaan caalamka.
Balse sida uu qabo aqoon-yahan Suleyman Ozerus, Afrika waxay u baahan wax qabad qayaxan oo milgo ku fadhiya. Taasina waa jidka kaliya ee u furan labada dal ee Hindiya iyo Turkiga si ay u hubsadaan in tayada wax-qabadkoodu uu noqon karo mid ka fiicnaada kuwa kale.
Qore: Zakariya Xasan Muxumed ‘Hiraal’
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!